Dowladda Kenya oo sheegtay in la xidhayso Xarumaha Lagu Barto Diinta Islaamka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Kenya oo sheegtay in la xidhayso Xarumaha Lagu Barto Diinta Islaamka
September 26, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews— Dowladda Kenya ayaa sheegtay in gabi-ahaanba la xidhayso xarumaha islaamiga ah ee ku yaalla dalka ,kuwaasi oo ay dowaladdu aaminsan-tahay in dhalin-yarada lagu baro xagjirnimada,xilli ay dalka ka dhaceen weerraro khasaare badan gaystay.

8_muslim_holy_book_quran_624x351_ap

Illaa iyo hadda waxa ciidamada amniga ay xireen madaraso diinta lagu baran jiray oo lagu magacaabo Machakos,taasi oo 60 km koonfur bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Nairobi sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda.

Waxaa kaloo gacanta lagu dhigay tiro dhalinyaro ah oo madarasadaas dhigan jiray ,kuwaasi oo looga shakisan-yahay in loo tababaray sidii ay ugu biiri lahaayeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gobolka.

“Dowladdu waxa ay beegsanaysaa iskuulada lagu barto Islaamka iyo waxyaabaha la xiriira jihaadka iyo cid kasta oo dhalinyarada ku dhiiri-galinaysa arimaha xagjirnimada “ayuu yiri Ndegwa Muhoro oo madax ka ah qaybta danbi baarista Kenya oo la hadlay AFP.

“Mar horeba waxaan amar ku bixinnay in la xiro Macahkos hadda waxaa qorshuhu yahay inaan beegsanno kuwa kale ee ku yaalla wadanka gudihiisa,” ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo sheegay in dowladdu la dagaalamayso argagaxisada.

Ugu danbayntii Muhoro ayaa sheegay in dowladdu aysan qorshaynin in ay xirto goobaha lagu cibaadaysto gaar ahaan masaajidyada,iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen howl-gallo gaar ah oo lagu beegsanayo kooxo la sheegay in ay wax ka abaabuleen weerarradii dalka ka dhacay

COMMENTS
LINKS