“Diwaangelinta Madanigu, Ma Khuseyso Xisbiyada Mucaaradka Ah” Dawlada Somaliyana Waxaan Leeyahay,Wasiirka Warfaafinta JSL | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Diwaangelinta Madanigu, Ma Khuseyso Xisbiyada Mucaaradka Ah” Dawlada Somaliyana Waxaan Leeyahay,Wasiirka Warfaafinta JSL
September 11, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)– Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay qaadacadda diwaangelinta Madaniga ah ee xisbiyada Mucaaradka ah.

Wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in aanay xisbiyada Mucaaradka ah anay khuseynin diwaangelinta Madaniga ah, sidaana wuxuu Wasiirku ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalkii hubaysnaa ee uu Xisbiga WADANI ku baaqay, miisaaniyada qaranka ee 2015, oo golaha Wasiiradu maanta ansixiyeen iyo arrimo kale.

Ugu horeyn isagoo ka hadlaaya diwaan galinta wuxuu yidhi. “Waxaan doonaya marka hore inaan u sheego Xukuumadda dalka Soomaaliya oo soo faro galisay sidii horeba u dhacday, arrinta diwaan galinta muwaadiniin tayada, Soomaaliya waxaan leeyahay masuulkii ka hadlay iyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, waad ogtihiin in wadamada Carabtu iyagoo isku dad ah ay kala dawlado yihiin, Soomaaliduna sidaas oo kale weeye, wax aanad xukumin oo aanad waxba ka qaban karin maha inaad maalin kasta faraha la soo gasho. Diwaan galinta aanu dalkayaga ka samaynayno waa mid aanu qofka muwaadinka ah iyo calankiisa isugu raacinayno, waa masuuliyad saaran dawladooda ay doorteen, maaha mid idin taala markaa wax aad joojin kartaana maha wax idin khuseeyana maha.” Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaaya qaadacaada Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee diwaan galinta ayaa yidhi.

“Anigu waxaan ka hadlayaa ama aanu u jawaabaynaa cadawga dalkan ee diidan horumarkiisa, qoladan Mucaaridka iyaga ayaanu xaqooda muwaadinimo ka talinaynaa haddii iimaanku ka qoolmay waanu u ducaynaynaa, waxaan leenahay walal wixii dalkaaga qaranimadiisa khuseeya maha wax kaftan gala, waxay dilo ka dhiganayaan doorashadii ayaa dib u dhacaysa, waxaan idin cadaynayaa in doorashadu qabsoomayso, daliil cadna waxaa u ah ayaan idin sheegayaa, maanta waxay golaha Wasiiradu ansixiyeen miisaaniyadii 2015, laba qodob ayaa ku jira oo ku cad. Midi waa kharashkii Xukuumadda kaga soo hagaagay qabsoomida doorashooyinka oo ay diyaarisay, midna waa kharash ay dawladdu u kordhisay Xisbiyada iyadoo dhisaysa oo korinaysa. Taasi makhraati ayay u tahay in Somaliland ay ka jirto dimuquraadiyadi oo waliba aanu kobcinayno. Midna waan cadaynayaa horta diwaan galinta madanigu maha mid khusaysa Xisbiyada Mucaaridka ah, waxay ka dhaxaysaa Muwaadinka iyo Dawladiisa, waa xil iyo masuuliyad saaran Xukuumaddii ay doorteen, wax u yaala Mucaarid qaaday maha dadkuna inay sidaa u fahmaan weeye.”

 

Wasiir Cukuse, oo ka hadlaaya dagaalkii uu ku baaqay Xisbiga WADANI si Xukuumadda uu ka tirsanyahay looga tuuro tallada ayaa wuxuu yidhi. “Xisbiga WADANI wuxuu ku dhawaaqay dagaal iyo xabad, iyadoo uu iclaamiyay Guddoomiye ku-xigeenkoodu oo ah ku simihii guddoomiyaha. Waxaan leeyahay WADANI, xabadu dadka way ku dhacdaa kadib way dishaa, maha wax lagu deg dego, kursina laguma helo. Iska daaya xabada iyo jabhada aad jeclaysanaysaan, waa nasiib darro in dagaaladii sideetanaadkii dalka lagu xoreeyay aad leedihiin maanta ayaa kii oo kale loo baahan yahay, haddii aanad dagaalka dhibtiisa garanayn weydii kuwii soo galay. Xisbiga WADANI wuxuu la tartamay ururo badan markii sharciga la siinaayay codkii sanduuqa ayaa lagu siiyay lakiin qori caaradi laguma siin, maantana ku heli maayo. Marka dagaal walal waxba ma keeno dalkeenuna ma karo, doorasho ayaa ku furan.” Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa ugu danbayntii shirkiisa jaraa’id wuxuu kaga hadlay Miisaaniyada qaranka ee 2015, oo maanta ay golaha Wasiiradu shirkoodi ku ansixiyeen, wuxuuna yidhi. “Arrinta ugu danbaysa maanta golaha Wasiiradu waxay ansixiyeen Miisaaniyadii 2015, waxay miisaaniyadaasi dhantahay 180, Milyan oo dollar, sannadkii 2010 oo dawladda KULMIYE qabatay tallada waxay Miisaaniyadeenu ahayd 47, Milyan. Korodhka intaas leeg ee laban laabmay halkaas ayaad ka arki kartaa waxaana ku jiro waxyaabo badan oo arrimaha bulshada laga qaban doono sannadkan.”

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS