|
|||||
WAJAALE NEWS
Dhalinyaradii oo Qabyaaladii Saamaysay maxay tahay sababtu?? Qalinkii: xuseen siyaad cilmi [mataan)
September 11, 2014 - Written by Editor:Dhalinyaaro badan oo dalkeena ah ayaa waxay ku faanaan ama ay kaga hadlaan goobaha ay iskugu imaadaan bulshadu erayga la yidhaahdo qabyaalad ama qabiil hadba sidii loo yaqaano , oo waayadan danbe dhuuxa inaga galay markastana aynu adeegsano eraygan, waxay indhahaagu qabanayaan dhalinyaro aad u isticmaalaya qabyaalada, waxaana meel walba lagugu waydiinayaa hadaad u baahto shaqo ama dankaleba kaa soo gasho magaca qabiilkaaga ama cida aad ka soo jeedid ,haybta ay tahay si laguu ogaado waxa ayaan daro ah in qabiil aynu hormarkeenii iyo hiigsigeenii aynu ku ilawno waxaan inoo dan ahayn oo inaga jeedinya hormarkii dalnimo halkuu gaadhi lahaa dal , waxa dalkeena ka jira shaqo la’aan baahsan oo badh ka mida dhalin yaradeenu ay la tahriibeen hadab iyadoo ay taasi jirto ayaa dhalnyaradeenii lagu kala xulanayaaa qabiilkooda si ay shaqooyinka wanwanaagsan ay uga qayb galaan. Inaguma cusba qabiilku balse waxa uu soo jireen ahaa wakhtiyadii ay awoow yaasheen noolaayeen oo la isticmaali jiray eraygan qabiilka ,waxa iswaydiin leh oo dad badani isweydiiyaan sidee loo xakamayn karaa ama loo joojin karaa balse jawaabtu waxay tahay waxla xakamayn karo qabyaaladu maaha oo waxay soo jireen ahaayeen wakhtiyo hore imikana waxa qabyaalad iyo qabiil laga hadlayo ku barbaaray jiilkan danbe ee soo kacay markaa ma is odhankarnaa qabyaaladu way inaga tirtirmi, se yaa u haysta inay baaba ayso. Sanadahan danbe waxa dalkeena aad ugu batay isticmaalka qabyaalada mawduuceenan qabyaalada isticmaalkeeda kuma soo koobi karno balse waxay u baahan tahay in dhalinyaradeena sidii looga baraarujinlahaa falawgeeda lagalo, waayo waxay dhalinyaradeenii dhamaantood noqdeen wada qabyaaladaystiin iyo waliba mid cusub oo u raacday oo lagu tilmaamo siyaasad ,halka manta ay dhalinyaradeenu ay isku waydiin lahaayeen sideen waxa u wada qabsanaa ama sideen dalkeena u hormarinaa waxaabay sheekadoodii noqotay qabiil iyo siyaasad ay goobaha makhaayadaha ay kaga hadlaan wakhi walba ama ay wakhtigaba ay isku dhaafinyaan muran siyaasadeed oo haba yaraatee aan dantooda ahayn ,Yaa u maqan dhalinyaradan maskaxdoodu qabyaalada isku badashay ?? yaa lagu halaynayaa maanta dhalinyaarada dalka u soo kacaysa waa su’aalo badan oo isweydiin leh Akhriste maqaallkeenan waxaan filaayaa inaynaan ku soo koobi karaynin saamaynta ay leedahay qabyaaladu balse waxaan guntii iyo gabagabadii aan leeyahay dhalinyaradeenan soo kacaysa inay ka dheeraadaan goobaha lagag sheekaynayo qabyaalada iyo waxa wakhti lumiska ah, dhalinyaro waa inaad ka fikirtaan sidaad dalkiina aad u hormarin lahaydeen ama aad ugu fikiri lahaydeen wax soosaarka dalkiina sidii loo soo saari lahaa oo ay dhalinyarada wadamada aad jaarka tihiin ay idinku dayan lahaayeen se waa goorma ??? Qoraa : xuseen siyaad cilmi [mataan qoraamataan143@outlook.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|