|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Canada Oo Wasiirka Khaarajiga Somaliland Ugu Yeedhay Arin Xaasaasi Ah.
September 3, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-Dawladda Canada, ayaa dalkeeda ku marti qaaday Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, si wax looga waydiiyo 2 Wiil oo Hargeysa ku xidhan ku dhawaad sanad iyo badh. 2 Wiil oo haysta Dhalasho Dalka Canada ah ayaa Magacyadoodu kala yihiin Liibaan Nuur iyo Jamaal Nuur, kuwaasi oo ku eedaysan Kiis ah Kufsi Wadareed. Wiilashan oo Somaliland u yimid Fasax ayaa 21 Wiil oo ay ka mid yihiin lagu xukumay 10 sano oo xadhiga. Dawladda Canada ayaa Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ugu yeedhay sidii Wiilashan oo mid jiray 14 sano ka kalena 16 sano wax looga waydiin lahaa. Inkasta oo aanu war rasmi ahi ka soo bixin Wasaaradda Khaarajiga haddana wararka laga helay arintan ayaa sheegaya in Wasiirku la kulmayo Saraakiil Dalka Canada ah iyo Qaar ka mid ah Hay’addaha Xuquuqal Iisaanka. Waalidiinta labadan Wiil ayaa ku dooday inaan caddayn loo hayn dambiga lagu haysto Wiilashooda, iyagoo warbaahinta Canada u sheegay in mudo 7 cisho ahba Xukun lagu riday Caruurtan oo aan kiiskooda aad loo baadhin. Dawladda Canada ayaa aaminsan in Caruurtani tahay kuwa aan qaan gaadh ahayn islamarkaana Kiiskoodu xaqiiqo ku fadhiyin. Hargaysa Office Related posts:War-Deg-Dega: Ciidmada Booliska Somaliland Oo Caawa U Daatay Guriga Uu Ka Degan Yahay Magaalada Harg... DAAWO;Madax-dhaqameedka Bariga Burco Oo Shaaciyay Dib Udhac Ku Yimid Shirkii Ay Ubalansanaayeen Dhig... Daawo: Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa Maanta Dhameystirey Dhismaha Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|