Dawlada Maraykanka Oo Sheegtay Xaqiiqada Geerida Hogaamiyaha Al-Shabaab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka Oo Sheegtay Xaqiiqada Geerida Hogaamiyaha Al-Shabaab.
September 5, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa:(Wajaalenews) Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Maraykanka ayaa maanta sheegtay in ay xaqiiqo tahay in uu hogaamiyihii Al-shabaab Axmed cabdi godane ku geeriyooday weerar ay ciidamada maraykanka ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Xarkada Al-shabaab ayaa hore u sheegtay kaliya in uu hogaamiyhooda la socday gaadiid ay ciidamada maraykanku gantaalo la beegsadeen, balse ilaa iyo hada xarakada Al-shabaab kama ay hadlin wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan geerida hogaamiyahooda. Waxaase hada la filayaa in xarakadu si toos ah uga hadasho warka uu maraykanku sheegay.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS