Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sobobay oo Dhahar dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Puntland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sobobay oo Dhahar dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Puntland
September 25, 2014 - Written by Editor:

Ceerigabo(Wajaalenews) ;Gelinkii danbe ee maanta ayaa waxa magaalada Dhahar ee Sanaag-bari dagaal ku dhexmaay ciidammada qaranka Somaliland iyo Ciidanka Maammul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Waxana inta la hubo dhinaca Somaliland ka dhaawacmay hal askari halka dhinaca Puntland uu ka Dhintay Hal Askari halka la sheegayo in dhaawacyo badani jiraan

“Waxa yimid nin wasiir-kuxigeen ah waxanu doonayeen inay meesha (Dhahar) Golle Deegan ka dhisaan arrintaasna Somaliland dagaal ayay ka xigtaa waana laga hortegey”. Sidaas waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aannu arrintan wax ka weydiinney.

Isagoo ka hadlaya khasaaaha ka dhashay dagaalkaasna wuxu yidhi “Xagga Somaliland hal askari ayaa dhaawacmay xaggoodana (Puntland) hal Askario ayaa dhintay dhaawacyo badan ayaa la sheegayaa ilaa imminkana rasaas googoos ah ayaa weli dhacaysa”.

Dhinaca kalena wararka laga helayo degaankaas ayaa sheegaya in dagaalku ahaa mid culus oo bilaabmay gelinkii danbe ee maanta islamarkaasna gabbalku iskugu dhacay welina dhawaqa rasaasta oo googoos ah la maqlayo.

COMMENTS
LINKS