|
|||||
WAJAALE NEWS
“Dadkaaga ha uga baqin inay dalkooda burburiyaan ama cadow inay u shaqeeyaan”Wasiir Waran Cade.
September 18, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Wasiirka Daakhiliga Cali Maxamed Warancadde, ayaa ku dooday in diidmada Diwaangalinta Madaniga ah ee Mucaaradka Somaliland iyo dadka qaar ka muujiyeen ay dabada ka riixayaan gacmo shisheeye. “Waxaan garanayaa markii aan ka qallinjabiyey kulliyadda KGB-da ee Ruushka duruusta aan xasuusto ee aan weli maskaxdayda ka bixin waxa ka mid ah ‘dadkaaga ha uga baqin inay dalkooda burburiyaan ama cadow inay u shaqeeyaan, laakiin waxaad ka baqdaa in si aan toos ahayn dadkaaga loo adeegsado inay iyagu is burburiyaan,’ oo macnaheedu yahay dhagar dad kale soo abaabulay in dadkeenna loo soo dhiibo kadibna dhib aanay ku talogalin dhexdooda ka dhacdo.” Ayuu yidhi Warancadde Wasiir Warancadde oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Markaa waxaan leeyahay waa in aynu iska ilaalinno arrintan (diidmada diiwaangelinta) cadow dibadeed ayaa wada waxa la diidayaa muwaadinimada Soomaaliyadii aynu ka go’nay mid ka duwan qaadanno, hadalkaasi dibadda ayuu nagaga yimi ee maaha mid Somaliland dhexdeeda ka dhashay,” Xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyo bulshada qaarkeed ayaa diidmo kala hor yimid maalmihii u dambeeyay diwaangalinta Madaniga ah iyagoo ku doodaya in la kala madax baneeyo labada diwaangalinood ee codbixinta iyo kaadhka codaynka oo xukumaddu ku dabrayso codbixinta islamarkaana qof aan kaadhka aqoonsiga qaadan aanu qaadan Karin kaadhka codbixinta. Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|