DAAWO;ROOB Dabaylo wata Oo SHalay Ka Da,ay Magaalada Hargeisa ayaa KHasaare Balaadhan Gaadhsiiyay ISKUULKA AXMED DHAGAX IYO Wasaarada Waxbarashada Wali Wax Gurmada U Fidin , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;ROOB Dabaylo wata Oo SHalay Ka Da,ay Magaalada Hargeisa ayaa KHasaare Balaadhan Gaadhsiiyay ISKUULKA AXMED DHAGAX IYO Wasaarada Waxbarashada Wali Wax Gurmada U Fidin ,
September 2, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews)Iskuulka Axmed Dhagax oo kuyaala Degmada Ibraahim koodbuur ee xaafada xero awr ayaa roobkii shalay da,ay oo lahaa dabaylo xoogan watay u gaystay khasaare xaga dhismaha ah kuwaasi oo jiiganda ka qaday qayb kamida iskuulka oo uu kujiro xafiiskii maamulaha iskuulku

Roobka oo mudo da ayay lahaana dabaylo xoogan ayaa wuxuu jigada ka tuuray todoba fasal oo kamida dhismaha iskuula iyo waliba xafiiskii maamulaha iskuulka waxaana gabi ahaanba meesha ku qoyay agabkii iskuulka.

axmed dhagax 3axmed dhagax 2axmed dhagax 9axmed dhagax 8axmed dhagax 10axmed dhagax 11axmed dhagax 6axmed dhagax5

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mar aanu saaka buuqanay iskuula ayaa waxaad arkaysay ardaydii oo tuban galaasyada hortooda islamarkaana ay ku keentay hakad wax barashadoodii

Xafaada xero awr ayaan lahayn iskuulo kale oo ay dawladu maamusho iyadoo baahin wayn looqabo adeegyada aas aasiga ah oo ay waxbarshadu kow tahay

Wasarada waxbarashada ayaan gabi ahaanba ka muuqan si deg dega wax uga qabo iyadoo laga yaabo hadii aan si degdega wax looga qaban in qaybo kale iskood u dumaan,

Iyadoo lagu jiro xili roobab xoogani ay ka da,ayaan caasimada hargaysa

Xarunta dawlada hoose ayaan iyadu waxba ka fogayn iskuulkan axmed dhagax walow iyadaba ay kamuuqato dayac baahsan oo aad moodo in aan wax dib u cusboonaysiina lagu samayn

Xaafadan ayaa ah degmooyinka ugu dakhliga badan hadana gabi ahaanba ay baabasan yihiin xafiisyadedu,iskuulada, iyo wadooyinkuba

Dhankastaba ha ahaatee iskuulka hoose dhexe ee AXMED DHAGAX ayaa ubaahan gurmad deg dega haday tahay ganacsatada, dawlada dhexe, hayadaha madaxbanaan iyo cidkasta oo jecel in bulshada danyarta ah ee ay sikuulada dawlada caruurahoodu kusoo hadheen jecel in wax looqabto.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS