DAAWO;Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Gaarka Ah Ee Dowlada Norway U Qaabilsan Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Gaarka Ah Ee Dowlada Norway U Qaabilsan Somaliya.
September 23, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday dalka Norway oo uu hogaaminaayo Ergayga gaarka ah ee Somaliland iyo Somaliya u qaabilsan Dalka Norway Mr. Jens Mjaugeal (Special Envoy for Somaliland and Somalia.

Kulankan oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade.

http://youtu.be/egfY64gpXZM?list=UUAaXNDG84KRka32ozOC2Vyw

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS