Daacish Oo Nin Ingiriis Ah Qoorta Ka Jaray, Kuna Hanjabay Inay Qaar Kale Dilayaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daacish Oo Nin Ingiriis Ah Qoorta Ka Jaray, Kuna Hanjabay Inay Qaar Kale Dilayaan
September 14, 2014 - Written by Editor:

Baghdad(Wajaalenews)-Kooxda Dawladda Islamiga ah ee Daacish ayaa shaaciyay Muuqaal muujinaya Nin Ingiriis ah oo ay qoorta ka jarayaan.muqaalka ayaa muujinaya Gawricida Nin lagu magacaabi jiray David Haines. Ninkan oo 44 Jir ah ayaa la qafaashay sanadkii hore isagoo ka shaqaynaya hawlo Gargaar.

Waxa Ninkan oo ah Aabbaha laba caruur ah gawracay Nin wajiga duubtay, kaasi oo sheegay in loogu aar gudayo ballanta Ra’isal wasaaraha Ingiriisku u qaaday Kurdiyiinta ee ah inuu hubaynayo si ay ula dagaalamaan IS.

Waxa uu ku hanjabay inay dilayaan La haysteyaal kale haddii Ingiriisku sii wado hubaynta Kurdiyiinta ka soo horjeeda Kooxda Daacish.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska ayaa arintan ku tilmaamay mid laga naxo oo fal shaydaan sameeyay ah. Waxa uu sheegay inay ka xun yihiin dilka qof aan waxba galabsan.

“waxaanu samayn doonaa wax kasta oo awoodayada ah si aanu u gaadhsano gacan-ku-dhiiglayaasha oo ay wahaan Caddaaladda, si kasta oo ay u dheeraato wakhtiga ay qaadanaysaa” ayuu sheegay Ra’isal wasaaraha Ingiriisku.

Mintidiinta khilaafada Islaamka ayaa horey madaxa uga gooyay laba nin oo Wariyeyaal ah James Foley iyo Steven Sotloff oo u dhashay Mareykanka, taas oo ay sheegeen inay jawaab u tahay duqeymaha Mareykanka ee Ciraaq.daacish nin ingiriisa

COMMENTS
LINKS