Cuqaasha Gobolka Gabiley oo ku Gacan sadhay Qorshe Madaxtooyadu Ku Doonaysay In Mag Ladhaafsado Saraakiil Qorilugud lagu Shirqoolay Iyo Caruurtii Mudaharaadka Lagu laayay,+Wajigabaxa Xubnihii Xukuumadu U Dirtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cuqaasha Gobolka Gabiley oo ku Gacan sadhay Qorshe Madaxtooyadu Ku Doonaysay In Mag Ladhaafsado Saraakiil Qorilugud lagu Shirqoolay Iyo Caruurtii Mudaharaadka Lagu laayay,+Wajigabaxa Xubnihii Xukuumadu U Dirtay
September 21, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) ;Cuqaasha waxgaradka gobolka gabiley oo ku gacan saydhay qorshe ay wadeen masuulinyiin xukuumdau u dirsay xalanta shaqaaqadii gabiley Magaalada Gabiley oo ah magaalo madax gobolka gabiley ayaa waxaa Maalmihii u danbeyay ku sugnaa koox wasiiro xildhibaano iyo afhayeenka madaxtooya , masuuliyiintan ayaa gabiley u tagay daminta shaqaaqadii ka dhalatay dilkii labada sargaal ee lagu dilay qorilugud kaasi oo guud ahaan bulshada reer somalinand ku abuurtay shaki iyo dareeno ku aadan qorshe yaasha laga dhex fuliyay ciidamadan qaranka somaliland oo ah cududa aynu ku faano

index-tile

masuuliyiinta gabiley

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hadaba bulshada reer gabiley ayaa iyagu ka gilgishay falkaa foosha deereenkoodana ku muujiyay mudaharaad salmi ah oo ay iskugu soo baxeen qaybaha bulshadu. Xukuumada ayaa iyadu mudaharaadkaa u adeegatay rasaas lagag hortagay dadkaasi xabadaasina waxay galaafatay dadbadan iyadoo sobobtay dhimasho iyo dhaawac bahsan,

ka dib markii khasaare labaad loogu jawaabay gadoodkii bulshada reer gabiley ayaa ay xukumadu usoo dirtay xayn wasiiro iyo xildhibaan iyo afhayeenka siilaanyo oo larabay in ay ku qanciyaan gabiley in aanay ka diirin ama ka dareen celin falkii sarkaalka iyo ubadkii lala dhacay xabada nool oo ay ku qanciyaan in xukumadu ay gabiley u tahay meel aad u muhiima oo ay 8biloodka dibna ay codka rabaan oo lasiin doono xilal badan iyo in imika (magg) laga qaato wixii dhacay, waxaanay cuqaasha u sheegeen in xukumadu arinkii dilka sarkaalkooda ay aad uga xuntahay oo ay marka falku dhacay qoyska madaxtooyadu ku marshquulsanayeen Meherkii inanta madaxweynuhu dhalay .

Hadaba arinkaa xukumada ayaa Odoyaasha iyo waxgaradka reer gabiley ayaa iyagu diidmo kala horyimid masuuliyiin kasocday xukuumada kuwaasi dhamaantood ah xubno gabiley kasoo jeeda aaminsana fikirka dawlada oo ah mid ka gartay in xataa wax tacsiya loodirin saraakiisha qaranka ka baxay taasi oo cadaynaysa halka ay ka taagan tahay Odoyaasha ayaa qolodan xukuumada usoo jeediyay in aanay marnaba aqbalay qorshaha ay wadaan kooxdan xukuumada ka socota reergabiley ay ku qancayaan in la cadeeyo wax xukuumadu talaabo uga qaadi wayday , in cidkasta o falkaa lug kulahayd sharciga la horkeeno hadii kale aanayn aqabalayn Kooxdan ka socotay xukuumda ayaa iyagu dhinacooda soo bandhigay in ay sidaan magtii sarkaalka la dilay xukuumadu ay ka xuntahay sida ay wax u dhaceen Halka mudaharaadkii shacabka reer gabileyna ku sifeeyeen mid ay ka danbeyen xusbiyada mucaaridku ee aanay reer gabiley iyagu wax diidanayn Arinta ay masuulinyan xukuumadu ka dhawaajiyen ayaa gees u siinoqotay tabashadii reer gabiley Xubnahan ayaa xukuumadu soodirtay ayaa kala ah Wasiirka ganacsiga Muuse qaasim Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul Xildhibaan Cabdilaahi BLACK

 

Xukuumada siilaanyo ayaa u muuqata mid ay kala dhaqaaqeen bulshada reer gabiley oo ah bulsho hadba cida ay raacdaan ku guulaysan korto hogaanka dalka

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS