|
|||||
WAJAALE NEWS
Cunista Tufaaxa oo 40% Hoos-u-dhigta Fursada uu Qofku ku Qaadi Karo Wadno-xannuunka.
September 11, 2014 - Written by Wariye:Daraasadan oo qayb ka ahayd cilmi-baadhiso aad u ballaadhan oo lagu sameeyey nus milyan Shiiniis ah, kuwaas oo wadnahood baadhitaan ay ku samaynaysay cilmi-badhayaal ka tirsan Jaamacadda Oxford. Qofka oo maalintii cuna jeex khudrad ah, gaar ahaan tufaaxa ayaa la ogaaday inuu ka badbaadi karo 40% inuu ku dhaco cudurka wadno xannuunka sida ay ku doodeen cilmi-badhayaal daraasad qoto dheer ka sameeyey arrintan. Cilmi-baadhistan cusub waxay iftiimisay khudaarta badan ee qofku cuna in ay hoos u dhigto khatarta xannuunkan marka loo eego dadka aan khudrada cunin. Sidaa darteed, daraasadu waxay sheegtay in qofka maalintii cuna jeex yar oo khudrad ah amma 150 g wax u dhigma inuu caafimaad ahaan noqonayo qof ka badbaada xannuuno badan, gaar ahaan dadka joogteeya cunista tufaaxa iyo muuska. Daraasadan oo qayb ka ahayd cilmi-baadhiso aad u ballaadhan oo lagu sameeyey nus milyan Shiiniis ah, kuwaas oo wadnahood baadhitaan ay ku samaynaysay cilmi-badhayaal ka tirsan Jaamacadda Oxford. “Xannuunada wadnaha ku dhaca iyo faaliguba waa waxyaabaha keena dhimashada ugu badan caalamka. Macluumaadka aanu helnay waxa ka soo baxay in dadka khudaarta darayga ah cuna ay ka badbadaan khatarta labadaas xannuun. Waxaanannu soo jeedinayna in dadku aad u cunaan khudrada,” ayuu yidhi Dr. Huaidong Du oo cilmi-baadhistan hoggaaminaayey. Daraasadan oo ay ka qaybqateen 451,681 qof oo aan qabin xannuunnada wadnaha ku dhaca, isla markaana aan qaadan daawooyinka dhiig-karka, qaybna ka ahaa cilmi-baadhista xarunta China Kadoorie Biobank samaysay, iskaashina la lahayd Jaamacadda Oxford iyo khubaro kale oo badan oo adduunka ah, waa lagu ogaaday in tufaaxa iyo khudaarta la midka ah faa’iidooyinkaas badan leeyihiin. Hargaysa Office Related posts:Shir Beelaha Direed Uga Socday Magaalada Nairobi Oo Lasoo Gabo Gabeeyay Iyo Nuxurka Qodobada Kasoo B... DAAWO; Burco Barnaamijka Beesha Cibraan Oo Ku Biirtay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Iyo Weedhihi... Suldaanka Guud Ee Beelaha Jsl Oo Si Adag Uga Hadlay Dacwad Madaxwaynuhu Ka Gudbiyay Gudoomiye Faysal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|