Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gudaha Itoobiya Ka Fuliyey Hawl Gal Lagu Beegsanayo Kooxda Cali Khaliif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gudaha Itoobiya Ka Fuliyey Hawl Gal Lagu Beegsanayo Kooxda Cali Khaliif.
September 1, 2014 - Written by Wariye:

ciidanka qarankaHargeysa(Wajaale News):-Ciidanka Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  fallaagada kooxda Cali Khaliif Galaydh kaga daba tagay degaanno xadka ka baxsan oo ku yaal gudaha Itoobiya,  kuwaasoo ku hawlanaa abaabul dagaal ka dhan ah Somaliland ka dib markii Cali Khaliif iyo kooxdiisu u baxsadeen degaankaasi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Wargeyska Jamhuuriya ee Hargeysa ka soo baxa u xaqiijiyey in ciidanka qaranku hawlgal ka fuliyeen degaan gudaha Itoobiya ah, loona yaqaan Dooxada Eerigo oo madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo-saaray Cali Khaliif Galaydh, kadib markii ciidanka qaranku fashiliyeen xaflad ay doonayeen inay magaalada Saax-dheer ku qabtaan maalintii Khamiista.

Sida ilo-wareedyadu tibaaxeen, waxa Ciidanka Qaranku ku guulaysteen in hawlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Eerigo ku qabtaan maxaabiis uu ku jiro maayirkii hore ee magaalada Laascaanood Kayse Maxamuud Xaaji Xuseen (Tungub) oo hore u sheegay inuu ka goostay Somaliland, kuna biiray fallaagada Khaatumo, kaaasoo hadda gacanta ugu jira dawladda isagoo maxbuus ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka qaranka iyo xukuumadda Somaliland oo lagaga hadlay hawlgalka ay ka fuliyeen degaanka Eerigo iyo xidhiidhka ay arrintaas kala sameeyeen dawladda Itoobiya.

Hasayeeshee, waxa jira xidhiidh dhinaca iskaashiga amniga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo fuddudeeya in labada dal iska kaashadaan wixii khatar ku ah amniga iyo xasilloonida, sidaas darteedna aan la ogolayn in koox ama shaqsiyaad duulaan ku ah nabadgelyadda ay ka hawlgalaan gudaha xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa fashiliyey xaflad la doonayey in madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo-saaro Khali Khaliif magaalada Saax-dheer oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, tallaabadaasoo sababtay in Cali Khaliif iyo kooxdiisu u baxsadaan degaanka Toga Eerigo oo ku yaal gudaha Itoobiya, balse, waxa la xaqiijiyey in aannu siyaasigaas fidno wadaha ah hadda ku sugnayn degaankaas, lamana oga dhinaca uu uga baxsaday xilligan.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirhman Habane

COMMENTS
LINKS