Caasimada Ismaamulka Somalida Itoobiya ee Jigjiga oo Bando lagu soo rogay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caasimada Ismaamulka Somalida Itoobiya ee Jigjiga oo Bando lagu soo rogay.
September 29, 2014 - Written by Editor:

Jigjiga(Wajaalenews) Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Rasaaseyey Guryo kuyaala Qabalaha 3-aad oo ay Degenaayeen Qaar ka mid ah Ehelada Cabdilaahi Itoobiya oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Ismaamulka Somalida ayaa Markii Arrintaasi ay Maqleen Ciidamada Fadaraalku ay Yimadeen goobtii Xaadii falku ka dhacay.

Ciidamada Faderaalka itoobiya ayaa Guud ahaan Magaalada Jigjiga Babdoo ku soo roggay waxayna amreen in la xidho Meheradaha sidoo kale dadkii ayaa iyagana lagu amray in Guryahooda aanay ka soo Bixin.

Wararku waxay intaasi ku daryaan in guud ahaa Caasimada Jigjiga ay dhex socdaan Ciidamo baddan oo Milateriga Federaalka kuwaasi oo dajinaya Xaalada kacsan ee jigjiga ka jirta.

Tan iyo intii uu bilaamay Khilaafka u Dhexeya Madaxda Sarre ee Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa waxa soo baxay in nabadgelyo darro soo waajahado Jigjiga taasi oo keentay in shacabka ismaamulka Somalidu la kala saftaan Garabka Madaxweynaha iyo Garabka Madaxweyne ku-xigeenadiisa kuwaasi oo khilaaf baladhani uu u dhexeyo.

xogasho ; waheen

COMMENTS
LINKS