|
|||||
WAJAALE NEWS
Bulshada deeganka dhalaada kana tirsan gobolka gabiley oo kacabaya xanuun aan wali la AQoonsan oo ku,dhacay geela qaarna ay u dhinteen.
September 8, 2014 - Written by Editor:Gabiley(Wajaalenews);Waxaa maalmahan cabasho xoogani kasoo yeedhaysa deegaano kamida gobolka gabiley kuwaasi oo cabanaya xanuun ku dhacay geela oo galaaftay xoolo farabadan Hadaba si aanu xog uga helno cabashada dadwaynaha waxaanu khadka telefonka ku waraysanay mid ka mida xoolo dhaqatada deegaankaa Isagoo nooga waramay xaalada xanuun kan oo galaaftay raxan geela
siciid jaahuur waa mid kamida dadka uu xanuunkani asiibay geeliisa isagoo u waramaya khadka telefonka ugu waramayay shabakada wajaalenews wuxu yidhi GEELU Markii hore waxaan ka keenay xaga hawdka ayuu bacda rabadaan ayaan keenay dhalaada ayaan furay waxa ku habsaday xanuun aanan wali arag geela sideed neef ayuu xanuunku ku dhacay waxana dhimatay shan neef qaar kalena hada ayuu ku cusub yahay S;xanuun sidee ayuu ugu dhacay maxaad ka dareemaysaa neefka ? wuxu ka dhacayaa afarta waxaad marka danbana dhiig ayuu xaga danbe ka keenayaa , geelana neef ayaan qalay kiina xaga gudihiisa ayaan ku arkay calaamado kuwaasi oo dhiig ku sameyay midhiciirka neefka hada geelu deegaanka wuu ka takooran yahay oo dadkii ayaa ku odhonaya geela xoolaha nooga duw Isagoo hadalkisa sii watana wuxu yidhi xiliga geele uu xanuunkani helo wax dhaqdhaqaaqa ma samaynay waxaanad ku ar kaysaa gariir badan oo aan neefku meelna u kacayn s;Wali ma aragtay cidkale oo deegaanka oo xanuunka cabanaya ma aragtay ?wali maan arag maqal mooyiye Waxaan baaq iyo qaylo dhaan u dirayaa xukuumada somaliland iyo wasaarada xanaanada xoolaha in si degdega loosoo gaadho xoola u leeday xanuunkan aan wali la aqoonsan Wasarada xanaanada xoolaha ayaad modaa mid aan u foojignayn dhaqalaynta xoolaha nool kuwaasi oo ah lafdhabarta dhaqaalaha dalka somalilandana ku dhisan tahay ARINTA XANUUNKA CUSUB EE HALELAY GEELA AYAA AH MID KHATARTIISA AAN LA DHAYALSAN KARIN GURMADNA U BAAHAN.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|