Arin Foolxun ayaa dhacday lakiin waxa ka Aayo xun in Laga Fikiro Aargoosi;Gen JIDHIF | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arin Foolxun ayaa dhacday lakiin waxa ka Aayo xun in Laga Fikiro Aargoosi;Gen JIDHIF
September 25, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Taliyihii hore ee ciiadmada qaranka somaliand Gen maxamed xasan cabdilaahi (jidhif ayaa tacsi iyo talo isku raaciyay dhamaan cidamada qaranka falkii foosha xumaa ee dhacay wuxuna yidhi;

General Jidhif

 

 

 

 

Ugu horay waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii ay kabaxeen saraakishu iyo guud ahaan ciidamada qaranka somaliland labada marxuum waxaan ilaahay uga baryayaa in uu naxariis jano ka waraabiyo waxaa dishay gacan ka gardaran xili ay heegan ugu jireen difaaca qaranimada somaliland .

SNM waxay ku godob laada ay Aargoosi la,aanta iyo khasaaraha dhulkoodii gaadhay oo laga warqabo dad iyo duunyaba

waxaan dawlada u soo jeedinayaa si kastaba haku qaadateen in gacan ku dhiiglihii ay soo qabtaan si cadaalada loo horkeeno, taasi oo dawo u noqonkarta qoysaskii ay kabaxeen saraakiishu ,iyo gud ahaan bulshada somaliland

Run ahaantii aniga sigaara ayay ii taabanayaa falkaasi waayo waan xukumi jiray ciidankan waxayna xusuus gaara ku reebaty maxkaxdayda halgamayaashii dhinaca u wada jeeday marka ay dhexdooda falka yimid siwayn ayaan uganaxay waxayna taasi farxad galinaysaa cadowga somaliland,

waxaan u soo jeedinayaa ciidamda qaranka somaliand quxurdiinu waxay kujirtaa wadajirka waana guusha soamliand geedi ugu jirto si ay uga mid noqoto qaramada aduunka

General maxamed xasan (jidhif) ayaa ka mid ahaa taliyayaashii soo maray ciidanka qaranka somaliland mudona soo xukumay xilgaasi oo uu ciidamada gaadhsiiyay horumar isku duubni iyo

dhirigalin iyadoo ciidmada qaranka ku reebay xusuus an hadhi waxa kale o lagu xusuustaa in mudadii xilka hayay ciidamada qaran u soo tolay dirays uu ku qoranyahay somaliand arm oo ahayd markii u horaysay ee ay xidhaan diraysnoocan laguna kala garto kuwa somalida kale taasi oo kukordhisay ciidamada niyad wanag hiigsi qaranimo taama

Waxa kale oo xusid mudan in mudadii uu xilka hayay hogaana taliyayaasha guutooyinka kuwa cafimaadka dhamaan u iibiyay gaadiid ay aad ugu bahnaayeen o dheeli tiray shaqadii ay qaranka u hayeen .

WAJAALENEWS DESK

 

 

COMMENTS
LINKS