Argagigixiso: Ma aniga ayay Fari Igu Godan Tahay Mise Nidaamka Siilaanyo?” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Argagigixiso: Ma aniga ayay Fari Igu Godan Tahay Mise Nidaamka Siilaanyo?”
September 7, 2014 - Written by Editor:

Marka aad ka nasato hawl, mid kale ayaa curanaysa. Dhambaalkani waxa uu moos u yahay eedo la ii jeediyay 21kii Julaay 2014ka oo la igu xidhay madaarka Hargeysa, kaddibna la igu wareejiyay sirdoonka Gobolka Maroodijeex oo ku fashilmay in ay caddeeyaan eedo aan i qaban oo ii jeediyeen. Waa daw haddii aan idhaahdo “labaduba waa argaggixiso iyo aafo qaran”.

Waxay maansadu tidhi

Nin ujeeddo yeeshay

Hadba oog ku shidayaan!

Nimay oomiyeenbay

Ku tilmaamayaan aar

Hadba kii “uf” diiday

U abuurayaan koox

Ku afuufta naar kulul!

Erey gaalku soo faray

Ma adeegsan karayee

Inta aan ogsoonahay

Argaggixiso ii tiri

Ortan Saalax waa kow

Inankii Togdheer iyo

Abtigayna waa laba

Dhidar waa Usaamiyo

Awlaad la doorsaday

Abwaan Jaamac kii shaah

Oogada ku daadshiyo

Dugulaan asteeyee

Miyaad aashan dhaaddeen?

Abaanduulahoodiyo

Muxsinow ul baad tahay

Agnaan aan i daw-bixi

Abbaartayda garanayn

Eeddana an hubin karin

Ooftiina dhaaftaye

Haddaan Kawsar ololaa

“I ayaamo dhawr” odhan

Boqorkaa abraariyo

Haddaan Raabbi eeggadan

Ku maqnayn Awaarii

Nin af-duub la daydayo

La arkee dhawaanahan

Ma anoo arbe ah buu

Atoor ii hanjabayaa!

Odaygeenna maan garan

Ictisaam dugsanayee

Ingiriiski wuxu yidhi

“Eri dhawr wasiir oo

La irdheeyo Jaallow”

Andacoodka beenta ah

Inkir oo runtii diid

“Ragga aan asluubtiyo

Anshaxooda bogay baad

Uskagow dafiraysaan!

Oksajiin la’aanteed

Aadame ma jiri karo

Masuulkaad inkiraysaan

Adhaxdayda weeyaan

Al-shabaab ma noqon karo

Af-legaaddadaa tuur”

Qoolcaday ayaantaan

Ifka jiray gu’ kow toban

Ambaqaad xafiiskii

SOMTEL loo alkumayaan

Arkay jaalle dhaayee

Adhigiyo haddii geel

Anfac quud la siin rabo

Inaan oodo mooyee

Inaan awdo maankiyo

Ubucdaba ma gelin karo!

Adaan oofin wacadkii

Hadba waxad af leedahay

“Iniq maad i yara sugi

Abti saacad noo qabo

Jigjigaan aheey tegay

Maantana akhyaar baan

Wajaalii ku ururshoon

Iibkooda wiilyahaw

Adduun baan ku qaatee

Bal i eeg dharaar kale”

Wuxu kala il-daranaa

Axmaq iyo dhashiisow

Aboodiyo dhurwaayow

Ayax iyo abeesow

Aadu iyo horjoogow

Arradaye sidee baan

Kuu sii asturayaa?

Warka lay abshiray iyo

Galaydh oo amaamuday

Khaatumo la eel-baday

Wixii aan ka odhan laa

Adaa oogta igu shiday

Iyagaan ka filayaa

Arxan iyo abdiyo sharaf

Umal-dooxa yaa dhigay?

Axmed Xaabsadii mee?

Fuaad aaway maan arag

Indhawayd halkuu tegay?

Hadday ubad dhawaaqaan

Illimaha dhulkii Sool

Askar iyo bilayskani

Aafiyo lur mooyee

Amni may xilqaadaan?

Af-weynii labaadow

Aaminkii adaa dilay

Haddii aad unuunkiyo

Ajashayda haysaan

Eebbe waan u simannee

Mar horaydun “oofsada

Arjumoo diloo jara”

Ereygiinnu noqon laa

Arbushtaye Togdheertii

Horta eelkan yaa qoday?

Aramida kumaa dhigay?

Aafada ninkee jecel?

Ma waxaad abqaashiyo

Ilaaqdaada faaftuu

Wasiir oollin karayaa?

Istaadhaye kumaa demin?

Uur-ku-tuullo iyo holac

Alalaas ku kicisaye

Eber yaa halyeygii

Ansax ugu xaquuq diray!

Aar Faarax Nuuriyo

Ismaaciil Miraan hore

Agab qaadin weligood!

Anfariirka ceelkiyo

Xogta awgu uu yidhi

“Ehel baa halkii aan

Oollaa la siiyee,

Asqoobee na ciidmaay”

Ururkaagu waa hoog

Aakay dhacaayiyo

Asaraartan lagu jaro

Ubax iyo malyuun wiil

Afo seyga laga dilo

Agoon maanta curatee

Axmedow adeerow

Bal ishaaradaydiyo

La eegee waxyeelladu

Halka ay iniin iyo

Ugxanteeda dhigatiyo

Ninka ooya ciilkeen

“aammus” loogu taag helin

Iskuulkii Maroodiga

Irridkaad u laabteen

Eeriyo hirkaygii

Allayl baa u dhacay dama

UDUB taan beddelay iyo

Idinkuba awowooy

Inan iyo waxaad tiin

Aabbihii tilmaamaha

Urugiyo haddaan way

Far qaniini-laa ilig

Waxa ii ah uugaan

Ufo iyo naruuraba

UCID iyo WADDANI kay

Hadbay uunku doortaan

Madashaay ha iilane

Adkee hawsha qaran iyo

Axdigaynnu leennahay…

Haddii diin la eegana

Anigoo dhallaanaan

Ahaa Sheekh Maxmuudkii

U akhriyay Tafsiirkee

Inta ii ah marag iyo

Oday Deeqba weydii

Ayniga intaan jiray

Mar uu aabbahay yidhi

“Awgaygi weeyaan”

Hadduu jeel albaab yahay

Rag ku yahay af-kala-qaad

Waxa ii agaasimay

Istoodhkiyo qolkayba

Adowgaan ka beermoo

Akhris maalintaan gabo

Orod aan ciyaar tago

Ama wadhaf abaabulo

Ollogayga dhaawaco

Illaw aan duruus naco

Ummo hooyo weydii

Allaylkii anoon jirin

Da’ islaamku qaangaadh

U aqoonsanaan karo

Iftin li’ yidhi “xidha”

Halkii aan ilayskiyo

Nal la oonsadaa jirin

Bisaddii alluubnayd

Agagaaraydaa

“Miyaw” oogsatoo ooy

“Aadamow furaay” tidhi

Adadaygga fiidkaas

Indhihiyo ibtaydaan

Ilaashoo ma buuqine

Ukun baad i mooddaye

Inamaalka foolkiyo

Adayg dheemman baan ahay

Aysiidh da’daan ahay

Markuu ooyo nacabkuna

Farxad baan la aadaa

Ufuqiyo cirkaa farax!

Muxuu jiir ilkaa daran

Ku af-qoday qolkaygii

Awaalkii mas baa yimi

Maxaan oof-wareen iyo

U adkaystay xaal daran

Oogada bustaan jirin

Oodkac layma siinayn

Isbuunyaan la ii dhigin

Eedaad intaan maray

Ummo hooyo waa xay!

Anigoo itaal daran

U arooray dhawr mayl

Anigoon af gelin quud

Arahdii duruustaan

Ku afuray yaraantii

Uunkoo badh seexdaan

Aayadaha Quraankaa

Ardaynimo masjidkii

Keli-aaday maandhow

Kab haddii la aasana

Cagaag baan ordaayee

Ma nin aayar lacag iyo

Ulashiyo riyaaq lura

Lagu iibsadaan ahay?

Haddii aad imaamkii

Ood-dhacmeed dulsaarteen

Usha booca goluhuu

Ugu fuulay awrkiyo

Halkee aashi maraysaa?

Saeed Mohamoud Gahair

saedmgahair@hotmail.com

COMMENTS
LINKS