|
|||||
WAJAALE NEWS
anigu cararimaayo sida cali khalif, state ayaan u samaynaynaa hargeysa.
September 9, 2014 - Written by Wariye:maroodijeex state ayaanu samaysan doonaa oo ah gobolka ay hargeysi ku fadhido haddii dadku waxay rabaan loo yeeli waayo, anigu cararimaayo sida cali khalif, state ayaan u samaynaynaa hargeysa., haddii doorasho ka dhici waydo somaliland, madaxwayne siilaanyo isaga ayaa cararidoona, haddii uu waajibka umada ka soo bixi waayo, somaliland in ay burburto cid doonaysaa ma jirto , laakiin waxaa nagu kalifaya maamul xumada noo muuqata ee madaxwayne kasta oo samaliland soo maraa noo gaysanayo ,intii ay somaliland jirtay wali qof reer hargeysa ahi madaxwayne kamuu noqon somaliland, reer burco iyo reer boorama ayaa madaxwayne iyo kuxigeeno isku noqda,
taasaa sobobtay in la samayn waayo biyo galinta caasimada iyo waddooyinka wali la dhisi kari laayahay, wali maanu arag nin madaxwayne ka noqday somaliland oo wadooyinka magaalada dhaxdeeda wax ka qabtay,
markaa madaxwaynahan hadda tallada haya waxaan leeyahay haddii aad sidaa garatay oo aad caasimadii dayacday xaqii ay reer hargeysi kugu lahaayeen waxaanu kaa sugaynaa doorasho dalka ka dhacda oo aadan dib noogu soo laaban, haddii ay dhici wayddo in aad doorasho qaban waydo, caasimada waanu u talin doonaa , oo state maroodijeex ayaanu u samayn doonaa , sidaa cali khaliifna cararimayno ee adiga ayaa cararidoona, dadka hargeysa ku nooli waa dad samir badan oo jecel gooni isutaaga somaliland waa dadka ugu badan ee cashuurta bixiya , waa dadka aan ka hadal cashuurtooda halka lagu bixiyo, waa dadka og in dawladnimadu iyaga ku dhisan tahay laakiin nasiib daro loo garan laayahay in wax loo dhiso in wadooyinka loo dhiso in airportdada loo dhiso iyo biyo ku filan ay helaan, oo waxaas oo dhan cashuurtooda looga dhiso,
maroodijeex state ayaanu samaysan doonaa oo ah gobolka ay hargeysi ku fadhido haddii dadku waxay rabaan loo yeeli waayo, ahmed siilaanyona wuu ka cararidoonaa hargeysa, laakiin anagu hargeysa ka cararimayno, sida cali khaliifna cararimayno,
ahmed shadaaf ismail
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|