|
|||||
WAJAALE NEWS
” Aff-duubkaas Aad Ii Sheegaysaan Anigu Ma Ogiba” Wasiir Warancadde.
September 9, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN):-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inaanu waxba kala socon Aff-duub loo gaystay Wariye Cabdishakuur Heersare oo Axadii koox Wasiirka ay ehel yihiin aff-duubeen. Wasiirka oo warbaahintu waydiisay Aff-duubkaasi iyo Kooxda gaysatay waxa uu kala socdo waxa uu ugu jawaabay wariyeyaasha “ Arintan aad ii sheegaysaan Anigu ma Ogiba, waan baadhayaa waxa ay yihiin dabeedna ii kaalaya anigaa idiin sheegayee” Suxufi Cabdishakuur Heersare, ayaa sheegay in Nimanka Aff-duubay oo 6 Nin Ahaa uu dareemayay in Cid wasiir warancadde ka ag dhaw hagaysay kharashaadkooda islamarkaana ay wateen Gaadhi uu garanayo oo Wasiirku leeyahay ka dibna ay geeyeen Guriga Wasiirka. Waxa uu sheegay in dadkaasi ka cadhaysnaayeen Qoraal Maqaal ah oo Lagu baahiyey Shabakadda Oodweyne. “Waxa aan la yaabanahay haddii wasiirkii arrimaha gudaha ee ammaan ummaada masuulka ka ahaa gurigiisa laga soo abaabulayo shirqoollo iyo af-duub-yo, isla markaana aan la tixgelinayn sharciyaddii yarayd ee lagu heshiyey oo weliba hawshaa ay gadh-wadeen ka ahaayeen dad wasiir gacan-yare u ah oo isaga amarka ka qaata in wasiirku dalka iyo dadkaba ku soo kordhiyey dhacdo cusub oo ah in la samaysto kooxo wax afduuba sidii hogaamiye-kooxeedyada. Sidaa daraadeed, madaxweynaha Somaliland waxa aan u soo jeedin lahaa ummmaddu waxay u baahan tahay wasiir arrimagudeed oo ammaankooda xilqaada oo aan gurigiisa laga soo abaabulayn hawl-gal afduubnimo. Ummadda reer Somaliland iyo saxaafadda madaxa-bannaaninaba waxay kaa sugayaan tallaabadii aad arrintan ka qaadi lahayd oo ah inaad wasiirka la xisaabtanno illayn sidani waa qaran-dumine.” Ayuu Suxufi Cabdi-shakuur Xaaji Muxumed Heersare ku gabagabeeyay Xog warankiisa Dhacdada layaab kaleh ee Shalay ku dhacday” ayuu warbaahinta u sheegay Warbaahinta Cabdishakuur Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|