Af-hayeenka madaxtooyadda JSL, Md. Dhuxul oo ka hadlay Miisaaniyadda 2015-ka ay Ansixiyeen Golaha Wasiirradu,xusbiyada, “Barnaamijkoodii cay, aflagaado iyo wanjal ayuu noqday” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Af-hayeenka madaxtooyadda JSL, Md. Dhuxul oo ka hadlay Miisaaniyadda 2015-ka ay Ansixiyeen Golaha Wasiirradu,xusbiyada, “Barnaamijkoodii cay, aflagaado iyo wanjal ayuu noqday”
September 11, 2014 - Written by Editor:

“Xisbi mucaarid ah oo soo Bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee uu kula Loolamayo Xukuumadda Somaliland ma jirto”

“Odoraska Miisaaniyadda 2015-ka Ee Xukuumadda Dhexe Iyo Hay’adaha madaxa banaani waxay dhan tahay $251,254.023”

“Barnaamijkoodii cay, aflagaado iyo wanjal ayuu noqday”

“Diiwaan-gelinta madaniga ahi waa waajib aynu muwaadiniinteenna kaga soocayno Soomaaliya oo olale ugu jirta inay dhicisayso diiwaan-gelinta madaniga ah iyo baasaboorkeennaba”

Hargeysa (Wajaalenews- Af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa maanta shaaca ka qaaday in fadhigii Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo lagu meel-mariyay odoraska miisaaniyadii ugu balaadhnayd ee qaranku yeesho oo marka la isku darro miisaaniyadda xukuumadda dhexe iyo Hay’adaha dawliga ah ee sanadka 2015-ku ay noqonayso $251,254.023.

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu jawaab kulul ka bixiyay diiwaan-gelinta madaniga ah ee labada xisbi mucaarid ee WADDANI Iyo UCID ay maanta daboolka ka qaadeen inay qaadaceen iyo dhawaaqii ka soo yeedhay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo caawa u waramayay shabakadda wararka ee Gudgudenews.com, waxaanu ugu horayn sharaxaad ka bixiyay odoraska Miisaaniyad sanadeedka 2015-ka ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen, waxaanu yidhi “Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu Guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa lagu ansixiyay Miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2015-ka oo uu Golaha horkeenay Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaalle. Miisaaniyadan oo ahayd tii ugu badnayd ee qaranku yeesho marka la isku darro Miisaaniyadaha xukuumadda dhexe iyo Ha’yadaha madaxa banaan, waxaanay odoraskeedu dhan yahay $251,254.023 oo Dollarka maraykanka ah. Miisaaniyadani waxay u sii kala baxaysaa Miisaaniyadda dawladda dhexe oo ah$180,000,000 oo Dollar, halka ay sannadkan 2014-ka Miisaaniyadda Dawladda dhexe ka ahayd 152 Milyan oo Dollar. Farqi 28 Milyan oo Dollar ah ayay ka badan tahay Miisaaniyadii sanadkan .Miisaaniyadda hay’adaha madaxa banaan ee dawladuna waxay dhan tahay $29,474,399 oo Dollar.

Sanadkan 2014-ka miisaaniyadda Dawladda dhexe iyo Ha’yadaha madaxa banaani waxay ahayd 212 Milyan oo Dollar, Miisaaniyadda sanadka 2015-kana waxa Wasiirka Maaliyaddu gaadhsiiyay 251 Milyan Oo Dollar. Marka la isku eego labada miisaaniyadood farqi dhawr iyo afartan Dollar ah oo kor u kac ah ayaa miisaaniyaddan ku jira. Xubnihii Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynaha ee maanta ka qeyb galay doodii lagu falan-qeynayay odoraska Miisaaniyadda 2015-ka waxay ku ammaaneen Wasiirka maaliyadda oo karti iyo dedaal aan xad lahayn muujiyay, mudadii uu Wasaarada maaliyadda joogayna Miisaaniyadu ay samaysay korodh aad iyo aad u balaadhan. Waxa kale oo Wasiirka maaliyadda lagu ammaanay inuu wakhtigii loogu tallo-galay ku soo diyaariyay miisaaniyadda oo uu ku horkeeno Golaha Wasiirrada.”

“Waxa Wasiirka maaliyadda lagu bogaadiyay in kor u kac dakhli miisaaniyaddu samaysay mudadii uu Wasiirka maaliyadda ahaa oo uu fuliyay amarkii Madaxweynaha ee la xidhiidhay in dalkani u baahan yahay inuu horusocdo maalinba maalinta ka dambaysa. Odoraska Miisaaniyadda oo Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, waxa loo gudbinayaa Golaha Wakiiladda Somaliland oo waajibkooda ka gudan doona si bisha January loo galo iyadoo miisaaniyadii qaranku ay diyaar tahay. Waxa dhici jirtay xiligii xukuumadii ka horaysay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in miisaaniyadda Golaha Wakiiladda la horkeeni jirtay bilaha April iyo May, taasina waa horumar qaranku gaadhay in miisaaniyadda la diyaariyo xiliga sharcigu jideeyay,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland.

Afhayeenku waxa uu sheegay in miisaaniyadan 2015-ka ay ku jirto kharashkii lagu Tallo galay in lagu fuliyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo madaniga ah, waxaanu ku dooday in xukuumaddu ay diyaarisay wax kasta oo kaga aadanaa dhinaca doorashooyinka.

 

“Miisaaniyadan waxa ku jira lacagtii loogu tallo galay in lagu fuliyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo diiwaan gelinta madaniga ah.waxa hore u jiray in xukuumaddu ay Golaha Wakiiladda u gudbisay xeerkii diiwaan-gelinta codbixiyaha iyo muwaadinka, sidaas ayay diyaar ugu tahay xukuumaddu inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto,”ayuu yidhi Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu intaasi ku daray “Dhinaca horumarinta iyadoo aan laga tagaynin, waxa beeraha ugu jira qalab loo soo iibinayo horumarinta beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo amniga qaranka oo miisaaniyaddu muhiimad gaar ah awooda u saartay,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.

 

Dhinaca kale Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland waxa uu xisbiyadda mucaaridka ah ku eedeeyay inay yihiin qaar aan lahayn barnaamij siyaasadeed oo ay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo kula tartamaan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shacbiga Somaliland baan weydiinayaa gudo iyo dibadba xisbi mucaarid ah oo wali inta uu soo fadhiistay soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu kula loolamayo xukuumadda Somaliland ma jirto. Barnaamijkoodii cay, aflagaado iyo wanjal ayuu noqday.”

 

Mr. Dhuxul waxa uu nusqaan inteeda leeg ku tilmaamay dagaalkii uu iclaamiyay Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee WADDANI, Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee WADDANI waxa uu maalin dhawayd yidhi waa in dagaal la ridaa, hadalkaasi waa nusqaan inteeda leeg. Somaliland-na way dhaaftay xiligii dagaalka oo waxay u guurtay oo ay maanta ku haysaa balaadhinta dimuqraadiyadda dalka, horumarinta iyo aqoonsi raadinta. Waxay dhawaaqa ka soo yeedhay Guddoomiye Ku xigeenka WADDANI ay ka turjumaysaa in aanu xisbigaasi halka aynu qaran ahaan maraynaba aanay la soconin.”

 

Afhayeenka madaxtooyadda oo ka hadlayay diiwaan-gelinta madaniga ah ee xisbiyadda mucaaridka ahi ay sheegeen inay qaadaceen, waxa uu yidhi “Diiwaan-gelintii madaniga ahayd ayay sheegeen inay qaadaceen, diiwaan gelintu waa xaq muwaadin kastaa leeyahay. Waa xuquuq dastuuri ah in muwaadinku yeesho sumad uu kaga soocan yahay qofka ajanabiga ah. diiwaan-gelinta madaniga ahi waa waajib aynu muwaadiniinteenna kaga soocayno Soomaaliya oo olale ugu jirta inay dhicisayso diiwaan-gelinta madaniga ah iyo baasaboorkeennaba, waana hawaawi aan u suurto-galaynin. Diiwaan-gelinta madaniga ahina waxay u dhacaysaa sidii loo qorsheeyay.

Xisbiyadda mucaaridka ahi Golaha Wakiiladda ayay ku jiraan, golahaasi oo shacabka ka masuul ah ayuu horyaalaa xeerkii diiwaangelinta cobixiyaha iyo muwaadinka, Golahaasi ayay tahay inay ka doodaan oo ansixiyaan xeerkaasi, waana xuquuq muwaadiniintu xaq u leeyihiin oo ay tahay inaan la seejinin.”

“Mucaaridku waxay yidhaahdaan intaas oo arday ayaa jaamacadaha ka soo baxaya oo aan shaqo loo haynin, ma waxay dhaliil ka dhigayaan maxaa wax loo baranayaa? Waxaan qabnaa in aanay caqli ahayn in la yidhaahdo qofku yaanu waxba baran haddii aanu markiiba shaqo helaynin,”ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.

Afhayeenka madaxtooyaddu waxa uu sheegay in shacbiga ay uga mahad naqayaan sida ay xukuumadda ugala shaqeeyaan dhinaca horumarinta iyo wadooyinka dalka oo uu xusay inay xukuumaddu awooda saartay sidii loo binayn lahaa wadooyin waaweyn oo wax ka tara horumarinta dhaqan dhaqaale ee bulshadda Somaliland.

COMMENTS
LINKS