“Adduunkii Wuxuu Inoo Arkay Inaynu maamul-goboleed Nahay…Oo Caalamkii Wuxuu u Sii Jeedaa..” Axmed Yuusuf Yaasiin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Adduunkii Wuxuu Inoo Arkay Inaynu maamul-goboleed Nahay…Oo Caalamkii Wuxuu u Sii Jeedaa..” Axmed Yuusuf Yaasiin
September 17, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in Somaliland marayso mar xalad adag, kaasoo tilmaamay in beesha caalamku ka jeestay Somaliland, una jeestay dhinaca Soomaaliya.

Sidaa wuxuu ka sheegay waraysi uu siiyay Tv-ga Horn Cable, ayaa sheegay in diwaan galinta madaniga ah tahay hawl adag.

Madaxweyne ku-xigeenkii Hore oo la waydiiyay su’aal ku aadan siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee waqtigan ayaa ku jawaabay. “Mar xaladan maanta waxaan odhan-karaa waa mar xalad adag, madaama la ictiraafay Soomaaliya oo caalamkii indhihiisii xaggaa u jeestay mar xalad yar maaha ee waa xaalad adag. Adduunkiina wuxuu inoo arkay inaynu maamul-goboleed nahay illahay inagama dhigee, markaa waa in muranka laga baxo madaama uu caalamkii u sii jeedo xagga Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay inaynu indhaha caalamka xagga Somaliland u soo jeedino.”

Waxa Axmed Yuusuf Yaasiin intaa ku daray oo uu yidhi, “Markii Daahir Rayaale madax ka ahaa dalka, dabcan waxa madax ka ahaa beelaha darafyada. Waqtigii Ibraahin Cigaal Khaarijiga, Maaliyada Baarlamaanka waxa haystay beelaha darafyada oo dheriga ayaa gacanta la wada galiyey, laakiin marka gacanta la wada galiyo ayuu barako leeyahay. Axmed Siilaanyana waxaan leeyahay beelaha darafyada soo gali meesha oo yaanay isku koobin beelaha dhexe, markaa waan ku dhaliilayaa.”

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenkii hore wuxuu ka digay qaabka loo wado diwaan galinta madaniga ah ee muranku ka taagan yahay wuxuu yidhi, “Diwaan galinta madanigu maaha arrin sahlan. Waa arrin loo dhaadhacayo ilaa xagga hoose ee faamilka, marka taas laga gudbana waa in loo sameeyaa xafiis waligii ah oo kaydiya xogahaas. Marka kaas la siiyo ayay imanaysaa ta kaadhka codbixintuna.”

Xigasho : Ogaal

COMMENTS
LINKS