Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddida Daraasadda Iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddida Daraasadda Iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.
September 3, 2014 - Written by Wariye:

siraanyoHargaysa(WJN):- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa Magacaabay Guddida Daraasadda Iyo U-Kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed  ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland oo nuqul kamidi soo gaadhay xafiiska shabakada Wararka ee Wajaalenews.net ay ku leedahay magaalada Hargaysa, war saxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED-Taariikhda: – 03/09/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.

Ujeedo: Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudanayaal,

Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS