|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Islaamiga Ah Ee Ciraaq iyo Suuriya Oo dilay Wariyihii Labaad Ee Maraykan Ah
September 3, 2014 - Written by Wariye:
Wariyaha la dilay oo lagu magacaabo Steven Sotloff’s ayaa sanadkii hore lagu afduubtay Dalka Suuriya. ISIS ayaa hore ugu hanjabtay inay dilayaan wariye labaad haddii maraykanku joojin waayo duulaanka uu kooxda ku hayo. Afhayeenka Aqalka cad ee Maraykanka Jen Psaki, ayaa cadho ka muujisay dilka wariyaha labaad ee Mareykanka ah. Waxay sheegtay inay Sirdoonku isku dayayo xaqiijinta in Wariyahaasi la dilay Muuqaalkan ayaa u muuqada in uu ka turjumayo sida ay u guuldaraysteen dadaalada xooggan ee uu Mareykanku ku doonayay in uu ku soo furto la haystayaasha Mareykanka ah ee gacanta ugu jira kooxaha xagjirka ah. Waxayna u muuqataa in wadammada uu Mareykanka tageerada waydiisatay in aanu jirin waddan saameyn ku leh kooxdani. Waxay tani sidoo kale sare u qaadeysaa cadaadiska la saarayo Madaxweyne Obama, ee ah in uu ballaariyo howlgaladda Mareykanka oo uu kooxdan uga daba tago saldhigeeda dalka Suuriya, arrintaas oo ah mid uu ka caga jiidayay. Afahyeenka aqalka cad Jen Psaki, ayaa sheegtay in qoor-goyntii wariyihii hore ee Mareykanka ahaa ee James Foley, ay ka dhalatay isku day uu Obama ku doonayey in uu ku abuuro xulafo caalami ah si looga hortago kooxdan, waxaana laga yaabaa in dadaaladaas ay sii socdaan oo ay sii xoogeystaan Hargaysa Office Related posts:Loolanka Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye Oo Cirka Isku Sii Shareertay Iyo Wasiirkii Hore Ee Maaliyada ... War Deg Deg Ah Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Dhex Maray Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Sidoo... DAAWO;Maayirka Magaalada Gabiley oo Kullan la Yeeshay Maayarka Degmada Hardenberg ee Dalka Netherlan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|