|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Mucaaridka Ah iyo Madasha Wada Tashiga Oo Go,aan Midaysan Ka Gaadhay Haddii Xukuumadu Doorashooyinka Qaban Waydo Wakhtigooda, IN Ay Dhisidoonaan Xukuumad Ku Meel Gaadh Ah
August 10, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews):-xisbiyada mucaaridka ah ee iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday heshiis ay ka gaadheen wixii laga yeeli doono haddii ay xukuumadu doorashooyinka ku qaban waydo wakhtiga loogu tala galay.
Heshiiskan dhex maray xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa tilmaamaya qodobo door ah oo ay is af garad ka gaadheen. Masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay soo dhisi doonaan xukuumad ku meel gaadh ah haddii xukuumadu ay ku guul daraysato inay doorashooyinka wakhtigooda ku qabato .Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa ka akhriyey qodobada ay isku af garteen xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxaanu yidhi “Heshiis is af garad oo ay wada galeen xisbiga Ucid, xisbiga Waddani iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, anaga oo ka duulayna kana midaysan aragtida ah in jiritaanka somaliladn ay saldhig u taay nabada, talada wadaaga, dimuqraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan sida ku qeexan qodobka sadexaad ee dastuurka Somaliland, inay nabadu ku xidhan tahay dimuqraadiyada mar kasta oo doorashooyinku baaqdaan ama dib u dhacaan waxay halis gelin kartaa nabad galyada.” Ayuu yidhi xildhibaan Rayte. Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa si toos ah u akhriyey qodobada uu ka kooban yahay heshiiska ay galeen xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxaanu yidhi “ 1. Inay dalka ka jirto guud ahaan nabad galyo taam ah taas oo muujinaysa inaanay jirin duruufaha ku xusan qodobka 83aad iyo 42aad oo ah kuwa doorashada dib u dhigi kara, sidaas darteed ay waajib tahay inay doorashooyinka madaxweynaha iyo golaha wakiiladu ay ku dhacaan wakhtigii sharcigu u cayimay oo ku beegan 26june 2015
2. Inay lagama maarmaan tahay in la qabto diwaan gelinta codbixiyayaasha mudadii loo qorsheeyey sidii hore loogu wada heshiiyey, sadexda xisbi qaranka, xukuumada iyo guddida doorashooyinka, si loo xaqiijiyo inay dhacaan doorashoyin xor ah oo xalaal ah. 3. Si looga hor tago inay soo noqdaan gal daloolooyinkii ka so obaxay doorashadii golaha deegaanka inay lagama maarmaan tahay in wax laga badalo qaabka iyo shuruudaha iyo magacaabista xubnaha guddida doorashooyinka si loo xaqiijiyo loona hubiyo dhex dhexaadnimada guddida 4. Si loo abuuro duruufo dimuqraadi ah oo ay u siman yihiin sadexda xisbi qaran ee ku tartamaya doorashooyinka 5. In haddii ay dhacdo inay doorashooyinku ku qabsoomi waayaan xiligoodii inay eeda yeelan doonto xukuumadu iyada oo ay waajib tahay inay xukuumadu qabato doorashada xiligeedii 6. Inay waajib noqon doonto in wixii ka danbeeya 26june 2015 oo uu ku eeg yahay mudo xileedka xukuumada Kulmiye la dhisi doono xukuumad ku meel gaadh ah oo loo dhan yahay oo waajibkeedu koowaad yahay inay dalka ka qabato doorashooyin. 7. Ugu danbayn in haddii marka la gaadho 31 decenber 2014 ay muuqato ama cadaato inaan dalka doorashooyin ka dhacayn xiligii loo qorsheeyey la bilaabi doono abaabulka iyo ka tashiga dhismaha xukuumada ku meel gaadhka ah.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay xildhibaan Rayte.
HARGEISA OFFICE WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
KA DHIIBO FIKIRKAAGA AKHRISTE
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|