Xisbiga UCID Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Casuumad Murandhalisay U Adeegsaday Magaca Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga UCID Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Casuumad Murandhalisay U Adeegsaday Magaca Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh.
August 20, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) Xisbiga UCID garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen oo shaciyay inuu Musharaxa u yahay Xisbiga, ayaa shalay magaaladda Hargaysa ku qabtay casuumad muran badani ka dhashay.

Casuumadan ayaa kaadhka marti qaadka waxaa lagu qoray Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo kamid ah Saladiinta Somaliland, martiqaadka casuumada oo ahayd qado ayaa ka qabsoontay Huteelka Summer-time, waxayna xaajadu faraha ka baxday kadib markii ay cuqaashii iyo odayaashi ka soo qaybgalay ku warheleen in Xisbiga UCID loo qabtay Casuumada isla markaana arrintu u taalo qaab olole. Oday Muuse Dalab oo kamid ah odayaasha degaanka Dacarbudhq iyo Caaqil Axmed Caqli ayaa ka hadlay madashii, waxayna shegeen inay ku yimadeen goobta Casuumada Suldaanka, balse aanay u iman Xisbiga UCID, waxay intaas ku dareen in aanay ka tirsanayn Xisbiga UCID qadadana loogu sawiray si shirqool u muuqata.

Geesta kale waxaan isagu ka soo qaybglin casuumadan Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo isagu ahaa Suldaankii ku qornaa kaadhka marti qaadka, mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Suldaanka noomay suurto galin, iydoo uu Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh ku sugnaa Magaaladda Sheekh xiliga casuumadu ka qabsoontay Hargaysa. Arrintan ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Xisbi siyaasi ahi qaabkan u ololeeyo.

COMMENTS
LINKS