Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo lagu Toogtay Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo lagu Toogtay Muqdisho
August 1, 2014 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews) — Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer oo ka tirsanaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kooxo hubeysani ku toogteen degmaada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Mad-deer

Kooxo hubeysan ayaa toogtay xildhibaanka isagoo kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaaddii Jimcaha, iyadoo la sheegay in kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

xildhibaan

Sheekh Aadan Mad-deer ayaa wuxuu noqonayaa xildhibaankii shanaad oo sannadkan lagu dilo magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo laba toddobaad ka hor lagu dilay Muqdisho xildhibaanad Saado Cali oo ka mid ahay xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka.

“Allaha u naxariistee xildhibaanka waxaa toogtay saddex nin oo bastoolado ku hubeysan, waxaana lagu dilay agagaarka masaajidka Afar irdoonka mar uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha ee maanta,” ayuu yiri xildhibaan Sidoow Abaadir oo ka tirsan baarlamaanka.

Hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay xildhibaanka, iyadoo horay ay Al-shabaab ugu gooddisay inay beegsan doonto xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo soo noqday wasiirkii maaliyadda intii ay jirtay xukuumaddii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa C/weli Maxamed Cali (Gaaas).

Taallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xildhibannada golaha baarlamaanka Soomaaliya ay dhawaanahan ka cabanayeen ammaan-xumo ku haysata magaalada Muqdisho.

 

COMMENTS
LINKS