|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaflad balaadh oo Loo Qabtay Qurba-joogta Reer Somaliland ayaa Xalay ka dhacday Guuleed Hotel Hargeysa. Daawo Sawiro
August 15, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews0; Xafladaasi oo ay soo qaban qaabisay sidii caadada u ahayd Xukuumada Somaliland iyada oo sanadkiiba mar uu madaxweynaha Qaranka Somaliland u sameeyo martiqaad balaadhan Shacbigiisa sharafta iyo karaamada ka mudan dalka ee u soo hiloobay una boholyoobay inay walaalahooda Qol-qol jooga ah la qaataan Nabada, iyo xasiloonida kuwada noolaanshaha u ah ee ay ku dhaqan tahay Somaliland. waxaana halkaasi ka hadlay oo qurba-joogta faraha badan ee xalay ku dhawaad lagu qiyaasay 3000 oo qof in ka badan, Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Axmed Saleebaan dhuxul oo qodobo ka mid ah waxqabadka Xukuumada u guud maray Martida qiimaha badan ee ka soo qaybgalay martiqaadkan. (Xukuumadani mudadii afarta Sanno ahayd ee aynu ka soo gudubnay wixii ay qabatay natiijadii ka soo baxday waxa ay noqotay, horumar iyo waxqabad muddo gaaban qarankan u keenay is bedelo siyaasadeed, dhaqaale. Kor u qaadida dhisme hay’addo dawladeed oo sal-adag ku taagan, kor u qaadida adeegyada bulshada, abuurida kaabayaal dhaqaale. Daryeel tayeyn shaqaale iyo derajo ciidan. Amniga Qaranka guul, Gogol walaalnimo, maamul fidin, abuurida iyo midaynta xooga ummaadda iyo xukuumada oo dhinaca wax wada qabsiga u dhaqaaqay. Soo celinta haybadii dawladnimo iyo dejinta siyaasad dibadeed oo leh ujeedooyin iyo hadaf beesha caalamka lagu gaadhsiinayo qadiyada qaranimo ee dadka reer Somaliland ay leeyihiin. Intaasi oo waxqabad oo raacaya dariiq qeexan iyo hogaamin ay u dejisan tahay halka loo socdo iyo hlkii laga yimid ayaa qarankan ka dhigay dal iyo dad u jehaystay xaga horumarka degenaanshiyaha, iyo rejo ku dhisan waxaynu qabsanaa inay jawaab u tahay gaadhida himilada qarankani uu ka leeyahay beesha caalamka. Waxqabadka Xukuumada ee ku saabsan adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada (Waxbarashada) (Education)
Xukuumadan uu hogaaminaayo Mdaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo waxay waxbarashada aas-aasigaa ay ka dhigtay Bilaash (Free). Waxay xukuumadani ay timid iyada oo ay dalka ka jiraan 290 Iskuul, Macalimiinta wax ka dhigtaana ay yihiin 2,000 Macalin. Mudadii 4ta Sanno ahayd ee Xukuumadani ay Xilka haysay waxay dhistay 600 oo iskuul, waxaanay shaqaalaysiisay 4,500 oo macalin Waxay waxbarasho dibadeed u dirtay 2,500 oo Arday. Waxay waxbarasho free ah siisay 266 oo gabdhood.
CAAFIMAADKA (HEALTH) Xukuumadani waxay xilka la wareegtay iyada oo goobaha caafimadka ee dalku sida Cusbitaalada gobol, Degmo, MCH iyo Health Post ay yihiin 260 goobood guud ahaanba dalka. Mudadii ay Xukuumadan uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ay Xilka haysay waxay dhistay 698 Goobood oo caafimaad oo isugu jira Cusbitaalo Gobol iyo kuwo Degmo, waxay keentay 38 Unbalance waxay keentay 7-ba Mishiin oo kuwa Kelyaha lagu safeeya ah oo ah baahi weyn oo caafimaad oo dalka taalay. Shaqaalihii wasaaradda Caafimaadka ka shaqaynaayey ee xukuumadani ay ugu timid waxay ahaayeen 1,347 shaqaale, waxayna ku kordhisay mudadaasi 2,559. MAALIYADA Waxay xilka la wareegtay xukuumadan Axmed Maxamed Silaanyo iyada oo miisaaniyada Sanadluhu ay tahay $47 Milyan oo dollar, waxaanay dedaalki iyo qorshihii xukuumadu mudadaa Afarta Sanno ah ay ku guulaysatay in miisaaniyada Sannadlaha ah la gaadhsiiyo $152 Milyan, marka lagu tan hay’adaha madaxa banaan ee dakhli soo saarkuna waxay noqonaysaa $212 Milyan oo dollar. Shaqaalaha Dawlada Waxaa xaqiiq ah in shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta socodsiinaysa adeegyada xukuumadu ay dadkeeda u qabanayso. Tirada Shaqaalaha dawlada ee ay dawladu la wareegtay marki ay xukunka qabatay waxay dhamaayeen 6,876 shaqaale, waxaana xukuumadani ay shaqaalaysay 7,346 oo ah shaqaale joogto ah iyo 5,983 shaqaale aan joogo ahayn.
Biyaha (Water) Markii ay xukuumadani ay xilka la wareegtay, si loo daboolo baahidii biyaha ee dalka taalay waxay markiiba dedaal dabadii Midawga Yurub ay ka heshay lacag dhamayd $28 Milyan oo loogu talo galay in wax lagaga qabto magaalooyinka Hargeysa, Burco, Tog-wajaale, iyo Ceerigaabo, hawshaasi oo ah mid socota. Waxay qoday xukuumadu 65 Ceel oo Riigaga ah iyada oo ay horena u sii jireen dhawr iyo labaatan ceel oo riigaga ah. Beeraha Iyada oo xukuumadani ogson kaalinta wax soo saarka Guduhu nolosha dadkeena waa markii u horaysay xukuumadani ay dhinaca beeraha ay ka fulisay mashaariic horumarineed, 10 Cagaf ayey xukuumadu soo iibisay, sanadkana 10 ayaa miisaaniyada ku jira oo la soo iibinayaa. Dhismaha Wadooyinka ) Infrastructure Waxay xukuumadani ay bilawday inay horseedo is kaashiga xukuumada iyo dadkeedu inuu midho dhal ka dhigi karo waxqabad dalka ka hirgala. Xukuumadan oo kaashanaysa shacbigeeda waxa u qabsoomay wadooyin laami ah oo marka la isu wada geeyo dalka gaadhaya 350 Waddo. Hadii aynu qaar soo qaadano gaar ahaana wadooyinka dhaadheer waxa dhamaaday, Wadada Boorama-Dilla, Wajaale -Kala badhayd, waxaana socda wadada Baligubadle-Hargeysa, Salaxlay-Hargeysa, Hargeysa-Ceel sheikh, Burco-Oodweyne, Burco-Ceerigaabo. Iyo wadooyin kale oo aan la soo koobi Karin. Garoomada Xukuumadani waxay garoomada ka qabatay waxqabad weyn oo isbedel badan ku keenay garoomada Diyaaradaha waxaana la sameeyey oo is casriya loo sameeyey Runway yada garoomada Hargeysa iyo Berbera oo dawlada kuwayd ay maalgelisay waxaa laga dhisay garoomada berbera iyo Hargeysa Terminals iyo departures oo casriya. Waxa kale oo iyana aan si kooban ugu soo bandhigaynaa waxqabadyo iyo baahiyo dalka ka jiray oo 19 sanno oo xukuumadan, xukuumadihii ka horeeyeyna ay tahli kari wayeen in la daboolo. Idaacada Radio Hargeysa oo xukuumadani ay keentay mid dalka iyo dibediisaba laga dhegaysto. Television ka qaranka oo dunida oo dhan la gaadhsiiyey baahintiisa. Derejada Ciidamadu waxay ahayd dhacdo waxqabad oo taariikhda u gelidoonta Xogaamiyaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Silaanyo shacbi weynaha iyo dadka reer Somalilandna u ahayd sharaf, Ciidamada QARANKANA u ahayd sharaf, dhiirigelin iyo haybad Qaran, 10,000 oo sarkaal oo ka mid ah ciidamda qaranka eek ala duwan ayaa la siiyey jerajooyin kala duwan. Shaqaalaha waxa mushaharkooda la kordhiyey Boqolkiiba boqol iyo labaatan (120%) waxaa kale oo mushaharooyin iyo gunooyin dheeraada la siiyey dhamaanba saraakiishaasi dalacday Waxaa la bedelay Lacagtii Giinbaarta ahayd ee Burco iyo Ceerigaabo waxaa la dhamaystiray biriishkii Hargeysa oo 5 sanno qabyo ahaa. Intani waxa ay tusaale kooban ka tahay waxqabadyada aan la koobi Karin ee xukuumadani ay ku guulaysatay mudadii ay xilk qaranka haysay, waxaanu qorshuhu yahay dedaalkani inuu noqdo mid sii socda si aan u gaadhno halkana hiigsanayno) sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga muxaafika ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane Abgaal, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, oo aad ugu dheeraaday qadiyada Somaliland kana dhawaajiyey in aanay jirin cid wakiil uga noqonaysa Somaliland, shacbiga reer Sool iyo Buuhoodlena ugu baaqay inay ka feejignaadaan kuwa doonaya inay dib ugu celiyaan dib u dhicii ay hore uga soo gudbeen una diyaar garooban inay sidii ay horeba u barbartaagnaayeen waxqabadka loo fidiyey iyo dedaalada ay xukuumadu ugu jirto ay halkaasi ka sii wadaan ka xukuumad ahaan ay dedaalkeeda sii wadi doonto, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Bandare, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cali Maxamed Warancade, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir, Wasiiir wasaaradda Madaxtooyada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u hambalyeeyey shacbiga Qurba jooga ah ee xaflada soo ajiibay, isaga oo Cali Khaliif Galaydhna ugu baaqay in aanu shacbiga reer Sool iyo Buuhoodle lugoyn una sheegay inay shacbigu barteen oo aanu horena wax ugu qaban maantana waxba u soo wadin, waxa isna halkaasi ka hadlay xafladana soo Xidhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland oo shacbiga qurbaha dardaaran dheer uhalkaasi uga soo jeediyey. dhinaca Qurbajoogta oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa uga mahadnaqday Xukuumada iyo shacbiga Somalilandba sida sharafta leh ee loo qiimeeyey loona soo dhaweeyey madax iyo Mijaba waxaana ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay Cabdilaahi Saleebaan Bide. waxa caawa iyana halkaasi ku sugnaa Fanaaniin fara badan oo ka socday Dawladaha Jaarkeena Sida Ismaamulka Somalida Ethiopia oo uu gadhwadeen ka aha Abwaan Axmed Budul iyo Hanaaniinta Jamhuuriyada Jabuuti ka socday oo uu hogaaminaayey Fanaanka Xananteeye oo dhamaantood halkaasi wacwado layaab leh ka dhigay Qurba-jooga Reer Somaliland ku raaligeliyey heeso wadani ah iyo dhaantooyin cusub oo Axmed Budul iyo kooxdiisu ugu talo gashay Shacbiga Somaliland.
Related posts:Ciidanka Dab-demiska Oo Ka Warbixiyay Sida ay Ugu Guuleysteen Xakamaynta Dab Weyn Oo ka kacay Suuqa ... Maxaa Ay Saameyn Ku Yeelan Karaan Dagaalka Tigray Iyo Dawlada Ethiopia Gobolka Geeska Africa Iyo Guu... XOGHAYAHA DEGMADA TOGWAJAALE OO KA WARBIXIYAY QORSHAYAAL HORUMARINEED OO AY KA FULIYEEN MAGAALADA WA... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|