La-taliye Ku-xigeenka Amniga Qaranka Ingiriiska oo Safar Kedis ah ku Jooga Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
La-taliye Ku-xigeenka Amniga Qaranka Ingiriiska oo Safar Kedis ah ku Jooga Hargeysa.
August 27, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka (Deputy National Security Adviser) ee waddanka Ingiriiska Mr. Julian Miller, ayaa markii u horraysay safar shaqo oo kedis ah ku yimi Somaliland shalay.

Sarkaalkan darajadiisu aadka u sarrayso ee ka socda Hay’adda Amniga Qaranka, isla markaana Boqortooyada Ingiriiska uga wakiil ah Isbahaysiga NATO, waxa uu safar saacado qaatay ku tagay shalay magaalada Muqdisho oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya

Mr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo hawlo shaqo oo aan la shaacin isla shalay u yimi Somaliland, una hoyday xalay caasimadda Hargeysa, iyadoo booqashada masuulkan loo qariyey sababo dhinaca amniga la xidhiidha, maadaama uu yahay xubin muhiim ah oo ka tirsan dawladda Britain.

La-taliye-ku-xigeenka Amniga Qaranka UK oo xogaha iyo warbixinaha si toos ah ugu gudbiya Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, ayaa la filayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo la yeesho kulan khaas ah oo aan ujeeddadiisa la shaacin maanta, lamana oga xidhiidhka ka dhexeeya safarka sarkaalkan ugu kala gudbay magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Xogo kala duwan ayaa iftiimiyey in safarka Mr. Julian Miller salka ku hayo arrimo khuseeya dhinaca amniga iyo inuu uu madaxweynaha Somaliland kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo xaaladda mandaqadda Geeska Afrika.

Sida xoguhu waxay tibaaxeen, waxa kaloo ujeeddada socdaalka sarkaalku la xidhiidhaa tuhunno iyo warbixino sida la sheegay ku saabsan dareenno dawladda Ingiriisku qabto oo muujinaya  gal-daloolooyin amniga khuseeya oo ka jira Somaliland,  isla markaana loo aanaynaynayo inay sabab u yihiin go’aamadii dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti muddo bilo ah xidhaan xadka ay la wadaagaan Somaliland.

La-taliye ku-xigeenka Amniga Qaranka UK oo sida qorshuhu yahay dalka ka dhoofi doona marka uu kulanka gaarka ah la yeesho Madaxweynaha Somaliland, ayaa warbixinaha iyo xogaha uga soo baxa safarkiisa Hargeysa iyo Muqdisho u gudbin doona Ra’iisal-wasaare David Cameroon, Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Britain u qaabilsan siyaasadda difaaca iyo arrimaha dibadda, iyadoo safarkiisu muujinayo muhiimadda khaaska ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u leedahay dalkaas.

Mr. Julian Miller oo markii u horraysay socdaal ku yimi Somaliland, waxa xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee UK loo magacaabay bishii July ee sannadkii 2010, isagoo hawlaha kale ee uu qaabilsan yahay ay ka mid yihiin mashaariicda maaliyadda iyo difaaca, gaar ahaan dib-u-eegista istaraatijiyadda difaaca iyo amniga iyo isagoo haya xilka Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirka Difaaca Ingiriiska.

 

 

 

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Email:habane00@gmail.com

Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS