Xabad Joojin Rasmi Ah Oo Ay Wada Gadheen Xamaas Iyo Dawlada Huhuuda Goor Dhawayd. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xabad Joojin Rasmi Ah Oo Ay Wada Gadheen Xamaas Iyo Dawlada Huhuuda Goor Dhawayd.
August 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xabad joojin ku meel gaadh ah oo u dhaxaysa Xamas iyo dawlada Yuhuuda ayey caawa goor dhawayd lagu dhawaaqay Heshiiskan ayaa goor dhawayd ay qalinka ku duugeen labada dhinac taaso hore ay uga biyo diiday dawlada yuhuudu inay aqbasho qodobada ay soo bandhigeen falastiiniyiintu taaso ay ugu muhiim sanayd in gabi ahaanba marinka QASA laga qaado xayiraada iyo in ay yeshaan dekad iyo madaar sidoo kale in la wada furo dhamanba xuduudaha marinka qasa in loo ogalaado inay si xor ah dadka falastiiniyiintu uga kaluumaysan karaan bada. Dhamaanba qodobadan oo ay hore u diidanayd dawlada Yuhuudu ayay imika aqbashay taasoo ay mudo ka biyo deedanaayeen iyadoo Xamaasna ay sheegtay hadii ay diidaan qodobadan in ayna falastiina aanay joojin doonin xamada iyo duqaymaha ay wadaa hadii ay ku dhamaanayaan oo anynacidi ka hadhayn in ay diyaar u yihiin.

Dhinaca kale falastiin ayaa diiday in ay la galaan heshiis xabad joojin abid ah iyagoo balan qaaday in ayna heshiiskaa galin Karin iyagoo sheegay in ilaa imika uu jiro dhul laga haysto falastiin ayna marna suuro gal ahayn in ay xabad joojin abid ah ay balan qaadaan laakin waxa ay ogolaadeen in dhankeeda ku xidhay in dhamanba xuduudaha qasa oo ay wada maamulan falastiiniyiinta iyo korjoogto caalami ah oo hubiya waxyabaha u galaya marinka qasa sido kale waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in bil ka dib la iskaga yimaado si looga wada hadlo isdhaafsiga maxabiista la kala haysto.

COMMENTS
LINKS