|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaabsade: Waa la arki doonaa cidii nool W/Q.C/rasaaq Askar
August 9, 2014 - Written by Editor:Akhristayaal , waa maqaal aan ka qoray Oday xaabsade 20 October 2009 markaas oo ku beegnayd soo laabashadii xaabsade ee uu kasoo hayaamay Majeerteeniya . maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa : Xaabsade Oday Madaxtooyada Kunool Oo Federaala, islamarkaana aan ku saadaaliyey in la arki doono xaabsade oo dib u laabtay haddii uu somaliland ka waayo danihiisa gaarka ah. Waana kan maqaalkii;
Axmed Cabdi Xaabsade tan iyo intii uu ka soo goostay dhinaca Puntland, una soo talaabay dhinaca Somaliland sannadkii hore iyada oo aanay jirin goob iyo wakhti uu umada sland u cadeeyey inuu ka noqday fikirkiisii hore ee federalka, waxa uu gogosha dhigtay caasumadda Somaliland, meesha labaad ee uu fadhigiisu u badan yahayna waa Laas-caanood oo ah xarunta gobolka Sool ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo. Axmed Cabdi Xaabsade sannadkii 1993-kii ayuu noqday gudoomiyaha golaha wakiilada ee Somaliland, xiligaas oo shir-beeleedkii 2aad ee ay beelaha reer Somaliland ku yeesheen magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal loogu doortay gudoomiyaha golaha wakiilada. Hase yeeshee muddo ka dib ayey si weyn isu qabteen Xaabsade iyo madaxweynihii Somaliland ee xiligaa Marxuum Cigaal, wuxuuna khilaafkoodu gaadhay meel xun, taasina waxay keentay in aakhirkii Axmed Cabdi Xaabsade laga tuuro kursigii gudoomiyaha wakiilada, ka dib markii ay kooxo mudanayaal ah oo taageeri jiray xukuumaddii Marxuum Cigaal cod u qaadeen, sidaana uu kursigiisii ku waayey horaantii sannadkii 1996-kii. Intaa ka dib Xaabsade wuxuu bilaabay mucaarad uu kaga soo horjeestay dawladdii madaxweyne Cigaal, hase yeeshee wuu ka googoostay dhinaca Somaliland, wuxuuna ka mid noqday raggii safka hore kaga jiray bud-dhiggii maamul-goboleedka Puntland oo lagu dhawaaqay sannadkii 1998-kii. Maamul-goboleedka Puntland markii u horaysay ee lagu dhawaaqay waxa madaxweyne ka noqday C/laahi Yuusuf, halka uu Xaabsade Puntland ka noqday wasiiru-daakhili awood badan, wuxuuna dagaal adag la galay maamulka Somaliland oo uu u diiday inay cag soo dhigaan gobolka Sool ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, isagoo cidii soo gasha gobolka Sool ee ka socota dhinaca maamulka Somaliland dhirbaaxo labada indhood taabban jiray, waxaana ka mid ahaa wacdarihii ugu xiisaha badnaa ee uu Xaabsade ka geystay gobolka Sool mudadii uu ahaa wasiirka daakhiliga Puntland, markii uu sannadkii 2002 gobolka Sool ka soo baacsaday madaxweyne Daahir Rayaale iyo wefti uu horkacayaa ay subax qudha ka degeen xarunta gobolka Sool ee Laas-caanood. Hase yeeshee madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii iyagoo aan salkaba dhigin oo magaalada ku sugnaa muddo aan ka badnayn laba saacadood ayuu Axmed Cabdi Xaabsade oo uu fadhigiisu ahaa xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe ciidamo tikniko ku hubaysan u soo diray dhinaca Laas-caanood si ay uga saaraan madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa, taasna Axmed Cabdi Xaabsade wuu ku guulaystay oo madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii cagaha ayey wax ka dayeen, wuxuuna madaxweyne Rayaale magaalada Laas-caanood uga baxay dhinaca koonfureed, halkaas oo uu socod rafaad badan ku soo maray waddo-budul marta dhinaca hawdka, aakhirkiina wuxuu madaxweynuhu ka soo bad-galay degmada Caynaba oo ahayd meesha ugu bariyeysa ee uu ka jiray maamulka Somaliland, ka dib markii uu maalin iyo habeen qarda-jeex ahaa . Haddii aan usoo noqdo maqaalkaygan qarankan aynu yagleelnay 1991, waxa uu soo maray maraaxil kala duwan mudadii sagaal iyo tobanka sano ahayd ee uu jirey, waxaa lawada xasuustaa hogaamiyayaal iyo xubno badan oo madax ah oo u dhashay dalkan Sland oo ku wacad furay iyaga oo ay u kala qaybsanaayeen kuwa si cadho ah kaga duday iyo kuwa hunguri qaaday oo ka qaybgalay shirar -kusheegyadii tirada badnaa ee la isugu keenayey oo lagu heshiisiinayey dhagar-qabayaasha walaweyn ee kasoo jeeda dalkii aynu hore u kala go’nay ee Somalia, waxaa kale oo aynu wada ognahay go’aamadii golayaasha qarankani ka qaatay cida ku wacad furta qaranka ee ka mid noqota kooxa ka jira Somalia marka laga reebo cida Cafis saamaxaada kasoo dalbata xukuumadeena iyo golayaasheena dalka ee waliba si waadixa u bayaamisa inay ka noqotay fikirkii ay hore u qabeen ee Somaliweyn iyo federal, waxaa la xasuustaa in xubno tiro badan oo dalka kusoo noqday iyaga oo aan soo dhiiban wax cafis ah in aynu jeelasha ku hubsanay illaa intay ka cadaynayeen mawqifyadoodii. Haddaba mudane Axmed Cabdi Xaabsade ma la isweydiiyey goobta iyo wakhtiga uu qarankan u cadeeyey in uu ka noqday mawqifkiisii hore ee Somaliweyn? Muxuu kaga duwan yahay xubnihii ka horeeyey ee aynu sare kusoo xusnay ee xadhiga loo daruurey? Ma mawqifyadii ay hore Golayaasha Qaranku ka qaateen ayey wax iska bedeleen? Waxaan u sheegayaa Golayaasha Qaranka in ayna shacabkan ka qarsoonayn suldaarooyinka qaranka lagula kacayo ee lamoodayo in uuna shacabku ka warhayn. Axmed Xaabsade oo la weydiiyey ujeeddada socdaalkiisa wakhtigan waa markii uu hargeisa soo gaadhaye waxa uu sheegay inuu yimi gurigiisii isaga oo su’aalo badan oo la xidhiidha dhinaca qadiyadana aan wax jawaaba ka bixin., waxaa intaas dheer oo siweyn u daahfureysa mawqifkiisa Somaliweyn laba dhacdo oo uu mid ka hadlay mida kalena uu ka aamusay, ta hore waxay ahayd sida lalasocdo muranadii ku saabsanaa diwaangelintii ay laaleen commisionkii hore oo si weyn khalkhal u gelisay dalka oo dhan ayaa dhinacii xukuumada iyo commissionkii hore ee sababta tirtirada diwaangelinta lahaa waxay umada usoo bandhigayeen in ayna doorashadan ayna suura gal ahayn balse kuwa dambe lagu gali doona , halka aqlabiyada goloyaasha qaranku iyo shacabku guud ahaanba ay kasoo horjeesteen tirtiridaa diwaangelinta , waxa uu kaga jawaabay Xaabsade oo shir jaraaid qabtay doorashadan ayaa laga hadlayaaye kuwa soo socdana laguma gali karo gobolada bariga ee uu kasoo jeedo, waxaa halkaa ka cad in uuna ogolayn gooni isutaaga waayo diwaangelinta waxaa ku lamaanayd JINSIYADII ., waxaase shacabka falaadhaa Xaabsade ku taagay ka jaray Mudane Xildhibaan Baase Maxamed Faarax Gudoomiye Xigeenka 2aad ee golaha Baarlamaanka iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda Gobolada bariga Sland shacabkana usoo bandhigay siday uga xun yihiin hadalkaa kasoo baxay odayga .
Arinta labaadna waxay tahay Wali kama uu hadal oo kamuu damqan hadalkii ka soo yeedhay Garaadka Guud ee beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku baaqay in Somaliland xoog lagaga saaro Gobolada Sool iyo Sanaag. Garaadka guud ee beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo dhawaan saxaafada u waramay, ayaa daboolka ka qaaday in aanay raali ka ahayn in Somaliland ka taliso Gobolka Sool, isaga oo dadka shacabka ah ee deegaannadaas ku dhaqan ku booriyey in wixii hada ka dambeeyey dib uga laaban sidii ay maamulka Somaliland iskaga dhicin lahaayeen, taana waxay bulshada sland ay abaal ugu hayaan mudane Baashe iyo jawaabtiisii waafiga ahayd ee ku aadaneyd suldaanka iyo shir ku sheegaa Nairobi lagu dhoodhoobayey. Xaabsade waa shakhsi dhuuni raac ah oo haddii uu danihiisaka waayo Somaliland ay u fududahay in uu markale dib ugu laabto Majeerteeniya waana la arki doonaa cidii nool. Waxaan kusoo gunaanadayaa iscadayn la’aanta Xaabsade, hargardaamooyinka uu ku hayo qaranka mudada uu dalka ku sugnaa waa mid aan laga aamusi Karin oo aan indhaha laga qarsan Karin, haddii ay jirto danooyin gaara oo cid gaara ka dhexeeya waxaan shacabka u sheegayaa in ayna arintaa ka seexan oo ay qarankooda uu tacabka badani kasoo galay badbaadiyaan. Waana khayaamo qaran oo ayna cidi la wadaagin cida mudida daabkeeda u haysa hogaaminta qarankan ee aynu ku aaminay.
Wabillahi tawfiq C/rasaaq Askar Hargeisa, Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|