|
|||||
WAJAALE NEWS
Wefti Ka Socda Qaadhaan Bixiyeyaasha Oo La Filayo Inay Soo Aff-jaraan Muranka Doorashada Ee Xukumadda iyo Xisbiyada (Warbixin Ku Saabsan).
August 25, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-Wefti ka socda Dalalka Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka ayaa la filayaa inay Isniinta Maanta ah soo gaadhaan Hargeysa. Weftiga ayaa socdaalkoodu la xidhiidhaa arimaha doorashooyinka 2015-ka oo wakhtigan Xukumadda iyo Mucaaradku isku maandhaafsan yahay. Shalay ayay Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan Wasiirkii Daakhiliga iyo qaar wasiiradiisa ka mid ah, Gudoomiyaha Komishanka iyo Hogaamiyeyasha Mucaaradku isku fahmi waayeen sida loo qabanayo Diwaan gelinta Madaniga ah iyo Diwaan galinta Codbixiyeyaasha. Xukumadda ayaa midaysay labada diwaan galinood iyadoo mucaaradku doonayo inay isbarbar socdaan. Qaadhaan bixiyeyaasha ayaa la filayaa inay gacan mugleh ka qaataan isu soo dhawaynta iyo xal u helida habsami u socodka labada diwaan galinood. Sida ay sheegayaan Mucaaradku Qaadhaan bixieyaasha, Komishanka Doorashada, Mucaaradka iyo Madaxtooyaduba waxay hore ugu heshiiyeen in la is barbar wado labada diwaan galinood. Sidaasi darteed ayaa wararka laga helayo Qaadhaan bixiyeyaashu sheegayaan inay taageersan yihiin in doorashada wakhtigeeda lagu qabto islamarkaana la dhamaystiro diwaan galinaha oo isbarbar socda. Dhinaca kale Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Ucid Mujaahid Cali Guray oo Shalay Qoraal uu ku faahfaahinayo Khilaafka Xukumadda iyo Xisbiyada ku baahiyay Boggiisa Internet-ka waxa uu ku iftiimiyay doorka Qaadhaan bixiyeyaasha oo uu ku tilmaamay mid muhiim ah. “Waxa muhiim ah mawqifka qaadhaan bixiyayaasha oo hadii ay ka baxdo xukuumadu wixii lagu heshiiyay iyaguna xaq u leh in ay la noqdaan kaalmadoodii dhinaca maal gelinta gebi ahaanba arimaha doorashooyinka Somaliland hadii aanay saamaynin dhinacyada kalena. Xisbiyada mucaaridka ah laftoodu talo ayay isugu maqan yihiin.” Ayuu Qoraalkiisa ku yidhi Cali Guray. Wajaalenews.net Email:habane00@gmail.com Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane Related posts:“Boqor Hadaad Gudihiina Isku Eryanaysaan Shalayto Maxamuud Xaashi Ayaa Dawlada Joogay, Haduu Ina Kaa... Dawladda Ereteriya oo Soo Bandhigay Afar Qodob oo Xudun U Ahaa Wada-hadalada Madaxweyne Biixi iyo We... DAAWO: Guddiga Komishanka Qaranka Somaliland Oo Ganaax Iyo Go’aamo Kasoo Saaray Xisbiyada WADDANI I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|