Waxtarka Iyo Hadimooyinka Hay,Adaha Caalimiga Ah Ee Somliland Ka Hawl Gala, W/Q Saleban Abdulahi Suudi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxtarka Iyo Hadimooyinka Hay,Adaha Caalimiga Ah Ee Somliland Ka Hawl Gala, W/Q Saleban Abdulahi Suudi.
August 29, 2014 - Written by Wariye:

Taasina waxay cadaynasaynaa in miinooyinka ugu badan ee Somaliland ku aasani ay ku jiraan ama laga helayo magaalooyinka

ASSALAMU CALAYKUM.Insha allah caawana waxynu soo gudbinaynaa qayb kale oo ka mida maqaalkeeni ku saabsanaa Hay,Adaha Caalamiga Ah Ee Ka Hawl Gala Somaliland, qaybtana waxaynu ku eegaynaa Hay, Adaha Miinooyinka

Hay,adaha ka shaqeeya miinooyinka waxa ay ka mid yihiin hay,adihii ugu soo horeeyay ee dalka yimaada gaar ahaan HELLO TRUTH iyo MINOCLEARANCE iyada oo xilli aan fogayna ay ku soo biirtay DANISH DEMINING GROUP.  hayadahani waxay dalka ka soo shaqaynayeen mudo tobanaan sano ah, waxayna ku guulaysteen soo saarista miinooyin badan oo ku aasnaa gobolada kala duwan ee dalka. sida aynu markhaati ka nahayna waxay shaqo abuuris u sameeyeen tiro badan oo dadka reer Somaliland ah

Hadaba hadii aynu soo qaadano hayada HELLLO TRUTH waxay hayadani sida aynu

ka warqabno waxay ka shaqaysaa ama shaqadoodu u badantahay meelaha miyiga, ah siiba meeelaha buura layda ah, waxaan ay sida ay xaqiiiyeen dadka hawlaha militeriga ku xeel dheeri miinada marka la aasayo in loola dan leeyahay in lagu wax yeeleeyo cadaw, si aanu dareemayn ama dhaadanaan ah. Iyada oo laga duulayo meelaha halbawlaha u ah ee ay u baahanyihiin ama meelaha looga baqayo inay kaasoo weeraraan sida wadooyinka magaalooyinka,xerooyinka ciidamada aagooda iyo xurumaha wax soosaarka ee dawladeed.  sidoo kale ay tahay sida uu keeno caqli kasta oo fikiraya si uu u durro ama isaga difaaco cadawgiisa.

Taasina waxay cadaynasaynaa in miinooyinka ugu badan ee Somaliland ku aasani ay ku jiraan ama laga helayo magaalooyinka, aagaga xeerooyinka ciidamada iyo wadooyinka iyada oo cadayn inoogu filantahay in aynu aragnay markii ama xiligii dalka lasoo galay in caruur badan ay miino ku laysay magaalooyinka siiba aagaga xerooyinka ciidamada iyo wadooyinka. marka aynu soo qaadano inta miyi ay miino wax ku yeeshayna waxaynu ognahay in ay dhibaatadu ka dhacday meel waddo ah marka laga reebo miino askari dhintay sitay iyo mid ay askari cidla ku tuurtay isaga oo isdhiibayay ama dhaawacmay mooyee.  arintani markaa waxay ina tusaysaa in miino baadhayaashu ay tahay inay shaqadooda ka qabataan  magaalooyinka iyo wadooyinka oo inta badan miinada laga soo sheego.

Taasi bedelkeeda hayada HELLO TRUTH waxay awoodeda saartay meelaha miyiga ah gaar ahaan meelaha buura layda ah, iyada oo marba meelaha ay degto inay survey lagu qaado iyada oo adeegsanysa qalab marka uu miino arko dhawaq sameeya. kadibna inta ay dhagax dhigaan meesha weliba dhagaxa ay rinji mariyaan si loo soo garto marka dambe  ee shaqada lagu soo noqonayo

hadaba waxay iswaydiintu tahay hadii miino laga helay meesha  dhagax rinji la mariyay dadku ma kaga badbaadayaan meesha  ?

Yaase u sheegaya dadka in rinjigu tilmaayo miino?

Miiyaase la awoodi waayay I n dadka laga xaydaamo iyada oo aynu ognahay xaddiga lacagta lagu bixiyo mashruucan!!!?

Sida dhabta ah  dadka qaarkiina ay  sheegeen  ayaa ah inay  hay,adu argatiyo kale  ka leedahay, sida aniga ii muuqatana ay jiraan danno ka balaadhan miino saaris , dadka ku xeel dheer cilmiga geology,ga iyo qaar wax ka yaqaana mineralogy,ga  waxay  sheegaan in hayadani  ku shaqaysanayso qaab samofal miino saaris ah, danaha ay leedahayna ay yihiin inay gurato macdanta dalka iyada oo u adeegsanaysa inaya dadkana ka dhaadhiciso  inay miino saarayso taasina waxa cadaynaya  sida aan horeba usoo sheegay HELLO TRUTH waxay ka shaqaysaa meelaha miyiga ah gaar ahaan meelaha buura layda ah  iyada oo marba meel   degta  survey,na  ku qaada iyada oo adeegsanysa qalab marka uu macdan arkona dhawaq sameeya iyaguna  dhawaaga ay miino inoogu sheegaan. kadibna dhagax ay rinji mariyaan. si ay ugala baxaan xilli aanay shaqaalaha arrinkan la soconin ama arkayn sida habeen ama maalmaha fasaxa.

Arrintan waxa cadaynaya marka aynu eegno qodobadan

1.      shaqaalaha ka sheeyaya iyo waxqabadka ama tirada miinooyinka ah ee la qarxiyo sanadkii oo ah laba aan isleegayn

2.      dhaqaalaha lagu bixiyo  oo aynu ognahay inay shaqaale u joogaan gobol kasta guryaha uga kiraysan, gawaadhida ka shaqaysa ee ay leeyihiin iyo kuwa ay soo iibsadaan, iyo weliba kharashaadka  shidaalka, IWM

3.      madaxda hay,ada u shaqaysa oo ka soo wada jeeda dalal gaara  oo ah EUROPE gaar ahaan BRITAIN  taasi oo ay ka dambayso si loo ilaaliyo siraha hayada

4.      meelaha ay ka shaqeeyaan oo ah meelaha buuraleyda ah  iyada oo sidii aynu hore usoo sheegnayba miinoo lagu aaso meelo cadawga loogu tala galay inuu wax ku noqdo sida magaalooyinka iyo wadooyinka  markaana aanay buura leydu ahayn meelo miino laga baadho ama wakhiti intaa leeg lagu qaato

5.      guur guurista oo ay u kala guuraan oo keliya buura leyda  oo kolba meesha laga dhamaysto laga guuro  loogana guuro meel kale oo  macdan lagu tuhmayo

6.      mudada ay wadeen miino saarista oo ah 20 sano ku dhawaad  oo aad uga badan muddo miino saaris lagu sameeyo dal sidan u yaran dhul ahaan

waxa iyagauna aragtidan arkay oo isku dayaya ina ka faaidaystaan fursadan qaaliga hayadaha ay ka midka yihiin DANISH DEMINING GROUP (DDG)oo ka socota dalka denemark iyo iyo MINOCLEANRENCE.

In kasta oo aanay gaadhin heerka ay ka gaadhay hayada  HELLO TRUTH gurasha macdanta somaliland hadana waxay isku dayayaan inay iyagu saamigooda ka qaataan xoolahan dayacan ee la helay. iyaga oo khibradana ka raacaya hayada HELLO TRUTH oo si fiican ugu guulaysatay inay gurato macdanaha kala duwan ee Somaliland iyada oo u maraysa qaab dahsoon oon la dhaadayn

Hargeisa Somaliland

W/Q Saleban Abdulahi Suudi

Contact: Suudixy@Gmail.Com

COMMENTS
LINKS