Wasiirka Duulista Somaliland Oo Markii u Horaysay Ka Hadlay Khilaaf Wasaaraddiisa iyo Ciidanka Qaranka Dhex Maray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Somaliland Oo Markii u Horaysay Ka Hadlay Khilaaf Wasaaraddiisa iyo Ciidanka Qaranka Dhex Maray.
August 25, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Wasiirka wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii u horaysay faahfaahin ka bixiyay Muran soo kala dhex galay Wasaaraddiisa iyo Ciidanka Qaranka, kaasi oo ku salaysnaa Xayndaab lagu wareejinayay Madaarka Hargeysa oo soo gaadhay Xeryaha Ciidanka Qaranka ka dibna Ciidanku dumiyay Dayrkii Wasaaradda Duulistu wadday.Wasiirka oo Maanta hor yimid guddida Arimaha bulshada oo warbaahintu waydiisay halka arintaasi marayso  waxa uu sheegay in Arintaasi Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka loo  gudbiyay xalinteeda, haddana ay gacanta ku hayaan.“Dawlad ahaan Ciidanka Qaranka iyo Wasaaradda Duulistu waa isku xukumad.ma qarinayo in is-fahan darro soo baxday  oo runtii been la sheegi maayo, haseyeeshee anagu dhul ma kala lihin.Anagu meeshan aanu xidhayno dee Maxamuud Xaashina Xidhan maayo wasaaraddina xidhan mayso ee Madaarkeenii ayaynu u xidhaynaa. Xeryaha Ciidamada qaranka lagu xad gudbi maayo xerooyinkana la xidhi maayo.” Ayuu yidhi Wasiirka DuulistaWasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Ciidamada Qaranka ee M Gaasta iyo Ciidamada qaranka ee Kamaandowsta labaduba way ka baxsan yihiin xayndaabka.Xerada Ciidanka Cirku waligeedba wasaaradda duulista ayay ka tirsanaayeen oo gudahay ku jirayaan, hadiii Isfahan daro soo baxdayna gacantaa arintaas lagu hayaa oo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  iyo Raggii Masuulka noo ah ayaa isku kaaya toosinaya oo wax dhiilo ahi ma jirto ee wax wanaagsan baa inoo socda” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.
Hargaysa OfficeWajaalenews.netEmail:habane00@gmail.comWariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS