Wasiirka Duulista oo Libin-laabay Lacagta laga qaaddo Baabuurta Galla Madaarka Cigaal ee Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista oo Libin-laabay Lacagta laga qaaddo Baabuurta Galla Madaarka Cigaal ee Hargeysa
August 18, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Duulista iyo hawda ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Kordhiyey Lacagtii laga qaadi jiray Baabuurta gala Madaarka lana dhexdhigo (Parking), waxanu ka dhigay labba Dollar iyada oo hore u ahayd Hal Dollar.

Lacagtan uu Kordhiyey Wasiirku ayaa Khilaaf xoogan ka dhex Abuurtay Baabuurta dadweynaha ee Isticmaala Madaarka iyo shaqaalaha Madaarka, kuwaaso si weyn uga biyo diiday kordhinta Xad-dhaafka ee wasiirku kordhiyey lacagta lagu gallo madaarka, arrintan ayaa saaka Buuq ka abuurtay Madaarka waxanay dadweynuhu sheegen in aanay bixinayn lacagta intaasi leeg ee lagu kordhiyey balse ay bixinayaan uu halkii dollar ee hore.

Dhanka kale shaqaalaha Madaarka ee qaada Lacagta ayaa sheegay in aanay iyagu kordhin lacagta balse maamulka ka sareeya uu kordhiyey lacagtaasi, Amarna lagu siiyey in ay qaadan lacagtaasi.

Halka Dollar ee laga qaadi jiray Baabuurta isticmaala madaarka ayaa hore wasiirku u sheegay in lagu bixiyo Qurxinta madaarka, iyada markii horeba dadka dhaliila wasiir Maxamuud xaashi ku eeden jireen in lacagtaasi Jaabka wasiirka ku dhacdo. Illaa haatan lama Garanayo sababta uu wasiirku u libin laabay lacagtaasi.

COMMENTS
LINKS