Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Hay”addaha Caalamka U Iftiimiyay Waxa Ay Qabtaa Ciidanka loogu talo galay ilaalinta shidaalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Hay”addaha Caalamka U Iftiimiyay Waxa Ay Qabtaa Ciidanka loogu talo galay ilaalinta shidaalka
August 9, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta shirjaraa’id oo ku qabtay magaalada hargaysa kaga hadlay ciidanka OPU ee loo samayn doono in ay ilaaliyaan haay’addaha shidaalka baadhaya iyo shaqaalahooda oo qaar haay’addaha ka tirsani ay walaac xoogan ka muujiyeen.

Waxa uu wasiirku cadeeyey in ay ciidankaasi ku koobnaan doonaan uun arrimahaas shidaalka iyo sidii ay amaan kooda u sugi lahayeen,balse aanay waxa kale qaabil sanayn.

Dhinac kale waxa uu sidoo kale faah-faahin ka bixiyay hawlahii diwaan galintu kaaso carab dhabay in qalabkii ugu horeeyay dalka bari soo gaadhi doono.

Ugu Horeyn wasiirka arrimaha gudaha somaliland oo faah-faahin ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi”

“Ciidanka OPU Ee Haay’addaha caalamka iyo ku gudahuba qaylo dhaanta ka bixiyeen,waxaan odhan lahaa waa aqoon la’aan ka haysta ciidankaas Sababaha loo abuuray,Hadaan faah-faahin ka bixiyo ciidanka iyo ujeeda laga leeyahay oon wali la abuurin waxa weeyaan in ay ka mid noqon doonaan ciidanka booliska iyo ciidanka qaranka.

Ciidanka boolisku waxa uu leeyahay hogaamo,hogaamadaas waxa ka mid ah,Hogaanka baadhista danbiyada,Hogaanka RRU Iyo Hogaanka ka hortaga Argagaxisada,waxaana ay dhamaantooda ciidankaasi hoos yimaada taliska ciidanka booliska somaliland,waxaana masuul ka ah wasaarada arrimaha gudaha somaliland

Dhinaca kale waxa uu sheegay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade in ciidankaas OPU ay gaar u noqon doonaan ilaalinta baadhista hawlaha shidaalka somaliland waxaana uu yidhi”

Ciidankaas OPU waxa ay gaar u noqon doonaan Haay’addaha baadhaya Shidaalka iyo shaqaalahooda ka hawl galaya soo saarista shidaalka,waxa ay ciidankaasi noqon doonaan ciidan si gaar ah u tababaran oo hanan kara hawlaha ay qarankan u qaban doonaan,manaa ah ciidan kani mid loogu talo galay inuu amaan daro ka abuuro Hawlaha loogu talo galay,Sida ay ku andacoonayaan haay’adduhu iyo shaqsiyaadka ka falooda arrimaha geeska Africa,waxaanan arinkaas ay sheegayaan u arkaa xog la’aan ka haysata arrimahaas ay ka faloodeen.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somalilan cali maxamed waran cade Diwaan galintii Cod Bixiyayaasha,waxaana uu sheegay in Qalabkii lagu galin lahaa diwaan galintu Qaybtii ugu horeysa ay bari dalka soo gaadhi doonto,taas oo ku tilmaamay in ay rumawday diwaan galintii asxaabta siyaasada ku tilmaameen dhalanteeda waxaana uu yidhi”

Waxa inagu soo fool leh Doorashadii Baarlamaanka iyo tii madaxwaynaha,waxaana loo baahan yahay diwaan galintii cod bixiyaashu codkooda ku dhiiban lahayeen,taasina way rumawday oo Qalabkii diwaan galintii ayaa bari qaybtoodii ugu horeysay dalka soo gaadhi doonaan waxaan odhan karaa waa arin lagu farxo.

Si kastaba ha ahatee Kaadhkaas diwaan galinta lagu galayo ayaa hadii la sameeyo wax badan ka tari doona amaanka wadanka somaliland,kaas oo sahli doona inaanu qofna si bilaa sharci ah gudaha dalka kusoo gali Karin.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS