Wasiiradda Miisaaniyadda oo Amray in Ganacsatada Somaliland loo fududeeyo Adeegyadda Dekedda iyo Kastamka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiradda Miisaaniyadda oo Amray in Ganacsatada Somaliland loo fududeeyo Adeegyadda Dekedda iyo Kastamka
August 21, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Guddida wasiiradda ah ee Miisaaniyadda oo booqasho ku jooga magaalo Xeebeeda Berbera ayaa shalay Kormeero iyo kulamo fool ka fool ah la yeeshay Ganacsatada, Dekedda, Kastamka iyo maamulka Gobolka iyo Degmadda ee Berbera.Sidoo kale, Guddida Wasiiradda Miisaaniyaddu waxay Kormeereen Maxjarada,Haamaha iyo Dekedda iyagoo u kuur galay Adeegyada ay bulshada u fidiyaan sida ay u socdaan.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, isla markaana ah Guddoomiyaha guddida wasiiradda ee Miisaaniyadda Qaranka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedada safarkoodu inay la xidhiidho sidii kor loogu qaadi lagaa Adeegyada ay Hay’adaha Dawladdu u fidiyaan Ganacsatada.
Wasiir Samaale waxa uu sheegay Xukuumad ahaan inay go’aansadeen inay Ganacsatada u fududeeyana Adeegyadda kaga xidhan Dekedda iyo Kastamada, isagoo sheegay inay wax weyn ka tari doonto cabashooyinka kaga yimaada dhinacooda.
Sidoo kale, Wasiir Samaale waxa uu sheegay Adeega oo la hagaajiyaa inay wax weyn ka tarayso kordhinta Dakhliga iyo Miisaaniyadda isagoo sheegay ujeedada Safaradoodani inay yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa Miisaaniyad sanadeedka.
Guddida wasiiradda Miisaaniyaddu waxay hore usoo mareen Magaladda wajaale, iyagoo kulamo la qaatay Ganacsatada iyo Maamulka magaaladaasi, waxaanay dhinacyada ay la kulmeen oo dhan ku booriyeen inay wada shaqeeyaan oo iska kaashadaan caqabadaha jira sidoo loo wada xaliyi lahaa.
Guddida wasiiradda ah waxa safaradooda ku wehelinaya Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri
Wajaalenews.net
hargeisa/office

COMMENTS
LINKS