|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Oo Markii Labaad Ku Fashilantay Hawlihii Shidaal Baadhista. iyo Shirkada DNO oo Caawa La Rasaaseeyay;;;;;;;;
August 11, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);waxaa caawa fiidkii rasaas ooda lagaga soo qaaday shirkad ajaaniba oo hawl samahin shidaala kawaday deegananada bariga somaliland gaar ahaan xudun ,waxayna wararku tibaaxayaan in shirkad laga leeyahay dalka norway laguna magacaabo DNO ay caawa iyada iyo shaqalahediiba baxsad ku yimaaden Magaalada caynabo iyadoon wali la sheegin wax khasaare ah oo soogaadhay . Hadaba Wasaarada macdanta iyo tamarta ayaa ah mid markii labaad ku fashilantay hawlihii shidaalka iyadoo shirkadii tan ka horeysay ee shiinaha ahayd iyaduna ay ka baxday dalka iyadoo aan dhamaysan hawsheedii shaqo ee ay u timid ayaa maantana waxaa dhacday tiii hore oo kale. Shirkadan cusub ee ay wasaarada la gashay heshiiska ayaa ah shirkad laga leeyahay wadanka Norway iyadoo magaceeda la yidhaa NDO ayaa hawsheeda ka bilowday bariga soomaaliland gaar ahaan deegaanka xudun ee gobalka sool taasoo markii ay tagtay shirkadii iyo shaqaalihii ayaa waxa uu isku dhac ka dhex dhacay dadkii deegaanka iyo shaqaalihii shirkada taasoo ay dadka deegaanku ay sheegeen in aan waxba looga soo sheegin xukumaduna ayna la soo xidhiidhin isla markaana ayna garanayn sababta dhabta ah ee meeshan u yimaadeen. Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee dhacda iyadoo shirkadii tan ka horeysay ee shiinuhuna ay uga baxday tan manta dhacday oo kale ayaa hadana agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamartu uu u badheedhay dhibaatadan isagoo masuul ka ahaa labada shirkadoodba isla markaana isagu ahaa ninkii diray shirkada iyo shaqaalahaba ayaa aan marna aan la samayn wax xidhiidh ah dadka degan deegaanka isla markaana aad moodo in ay indho la’aan ay wax ku wadaan isku soo wada duuboo waxaa ceeb ah in mar kasta ay dhacdo in shirkado shisheeye ay dalka ka baxaan iyagoo aan waxba qaban
WAJAALENEWS DESK SOMALILAND OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM KA DHIIBO ARAGTIDAADA MUWAADIN Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|