Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo ku dhawaaqday Talaabo lagaga Hortagayo Xanuunka EBOLA. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo ku dhawaaqday Talaabo lagaga Hortagayo Xanuunka EBOLA.
August 4, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in dalka laga fulin doono tallaabooyin lagaga hortagayo cudurka halista ah ee EBOLA oo ka dillaacay

galbeedka Qaaradda Afrika oo dad badani ugu dhinteen.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa sheegay in ay goobaha dalka laga soo galo ee madaarrada iyo xuduudaha gaynayaan kooxo caafimaad oo dadka baadhitaanno kaga sameeya xannuunkan.

“Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay dawada, waxaannu doonaynaa haddiiba ay dhacdo Ilaahay inaguma keeno ee sidii looga hortagi lahaa cudurkan oo ah dilaa khatar ah oo aad u faafa, daawana aan lahayn, markaa wasaarad ahaan waxaannu doonaynaa in aannu wacyigelin ka siino bulshada cudurka, in annagoo kaashanayna Wasaaradda Arrimaha Gudaha qaybta socdaalka la hubiyo cidda soo galaysa waddanka oo la baadho dadka ciddii lagu arko calaamadaha xannuunka,” ayuu yidhi Dr. Xagla-toosiye oo u warramayey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da.

Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu xusay in ay shaqaalaha caafimaadka u bilaabeen tababarro lagu kordhinayo aqoontooda caafimaad ee ku wajahan xannuunka Ebola, waxaannu yidhi, “Goobaha laga soo galo dalka waxaannu gaynay kooxo caafimaad, tababarro la siinayo kooxaha caafimaadkana waanu wadnaa ha joogaan cusbitaallada ama meelaha dalka laga soo galayo sida madaarrada diyaaraha oo kale, tababarkaasi oo ah sidii ay u aqoonsan lahaayeen qofka calaamadaha xannuunka Ebola leh, isla markaana loo karatiimayn lahaa inta laga xaqiijinayo inuu cudurkaasi qabo iyo in kale. Waxa kale oo ku jirta sidii ay iyaguna nafahooda uga ilaalin lahaayeen xannuunkan.”

Mar la waydiiyey meelaha ay sida gaarka ah muhiimada ugu saaranayaan baadhitaanka xannuunka Ebola, waxa uu ku jawaabay, “Madaarradu waa meelaha ugu muhiimsan ee aannu culayska saarayno, maadaama isu-socodku uu ku fududyahay xagga madaarrada waxaannu rajaynaynaa in aannu muhiimadda siinno, isla markaana aannu gayno kooxo badan oo caafimaad.”

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS