Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Calaamka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Calaamka.
August 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wararkiii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga iyo kooxaha ugu cad cad ee doonaya laacibiin ay ku xoojiyaan kooxda iyadoo ay koox waliba ay doonayso in ay noqoto koox awood leh oo iska cabin karta koox kasta oo ka hor timaada markaa bal aynu eegno. Wakiilka Javier Hernandez ayaa sheegay in si dhakhso ah war looga helidoono saxiixa Juventus ee Javier Hernandez . Waxaa jiray warar aan maanta idiin soo gudbinay oo sheegayay in Juventus Man united ka doonayso €48m iyo laba ciyaartoy oo Man united ah kuwaas oo mid kood yahay Javeir Heranandez. Wakiilka Hernandez ayaa yidhi: “hadda xaalada kama faaloon karo. Anigu qofna kala maan hadalin in labada ciyaartoy ee Heranandez iyo Vidal la is waydaarsanayo balse waxaad maqali doontaan war deg deg ah./football-italia Wakiilka difaaca kooxda Roma ee Mehdi Benatia ayaa sheegay in xidigani ku sii nagaan doono kooxdiisa Roma. Chelsea ayaa Benatia ku soonaysay €37.5m iyadoo markii hore lala xidhidhinayay kooxda Man united. Mourinho ayaa doonayay inuu Man united ka dulqaado Benatia balse sida uu walkiilkiisu sheegay wuxuu sii joogidoona kooxda Roma./Footbal-italia Kooxda Arsenal ayaa la sheegay inay €64m PSG kaga doonayaan gool dhaliyahooda Adinson Cavani. Weerar yahankii hore ee Napoli ayaa hore loola xidhiidhinayay kooxaha Man united iyo Liverpool balse waxaa hadda la sheegayaa in Arsene Wenger doonayo inuu lacag badan kula soo warego Cavani.

Liverpool ayaa la sheegay inay uga hadhay mushaarka Cavani oo qaali ah isagoo todobaadkii qaata €300,00million balse lama oga sida Arsenal oo Sami Khedira iibkiisa uu ka horjoogsaday mushaar qaali ahi sida ay Cavani mushaarkiisa u aqbali doonto./Metro Xidiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Pastore aya sheegay inuu iska diiday dalabyo uga yimid kooxaha ree Italy ee Juventus iyo AC Milan. Pastore ayaa sheegay inuu doortay sidii uu cimri ciyaareedkiisa uga sii wadan lahaa France. Pastore ayaa intaa ku daray inuu ku farax san yahay nolosha PSG. 25 jirkan ayaa lala xidhiidhinayay inuu xagaagan ka tagaayo kooxdiisa PSG isagoo xili ciyaareedkii hore la tacaalayay qaab ciyaareed aan wanaagsanayn./Sky Sport Italia. Difaaca kooxda Liverpool ee Kolo Toure ayaa iska diiday inuu ku biiro kooxda ree Turkey ee Trabzonspor.33 jirkan ayay sheegay inuu iska diiday dalab uga yimid kooxdan wuxuuna sheegay inuu xili ciyaareedkan liverpool ku nagaan doono. Liverpool ayaa Dejan Lovren Southamton kagala soo wareegtay £20m taas oo god dheer ku riday rajadii Toure ee liverpool. Kooxdan ayaa Toure ku doonaysay £1.5m.Warar ayaa sheegayay in Toure heshiis shaqasi ah lagaadhay kooxdan Trabzonspor balse Kolo Toure ayaa hadda cadeeyay inuu doortay inuu liverpool sii joogo isla markaana uu iska diiday kooxdaasna./Dilystar Kooxda Man united ayaa £80million u diyaarisay inay kula soo wareegto saddexda ciyaartoy ee kala ah Di Maria, Daley Blind iyo Marcos Rojo. United ayaa Di Maria ku doonaysa £50million, iyadoo u diyaarisay Marcos Rojo iyo Daley Blind inay kula soo wareegto £30million. Dhinca kale Man united ayaa hore ugu sii socta saxiixa Juan Cuadrado kaas oo ay ku doonayaan€45 million inkasta oo ay tartan kula jirto kooxda Barcelona oo dhankeeda iyaduna xiiso uqabta laacibkan./Goal Kooxda Liverpool ayaa shaacisay inay kala heshiisay kooxda Sevilla daafaca bidix ee ree Spain Alberto Moreno.22 jir ayay liverpool kula soo wareegtay 12 milyan oo Ginni. laacib kaan ayaa seegay kulankii ay guul daro 2-0 ka soo gaadhay kooxdiisa Sevilla kulankii dhexmar Real Madrid ee Final-kii Uefa Super Cup kadib markii ay Sevilla kala heshiisay iibkiisa kooxda Liverpool.Laacibkan ayaa lafilayaa inuu u maro tijaabada caafimaadka kooxdiisa cusub ee Liverpool maanta, iyagoona kadib si rasmi ah u shaacin doona saxiixiisa.Dhinaca kale Kooxda livepool oo xagaagan suuqa aad ugu jirtay ayaa dhankeeda doonaysa inay Martin Kelly ka iibiso kooxda Crystal Palace iaydoo la sheegay in ay labada kooxood ku heshiiyeen iibkiisa./Daily Mail Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay Juventus Man united ka doonayso €48m iyo laba ciyaartoy oo midi yahay Javier Hernandez si ay uhelaan iibka Arturo Vidal.ninka kubbada u falanqeeya CNN ta iyo BeIn Sport ee magacisiisa layidhaa Tancredi Palmeri ayaa warkan bartiisa twitterka soo galiyay. Ninkan ayaa sheegay in Man united hore ugu socotay rabitaankii ay ku doonaysay Vidal. Juventus ayaa lacag u dhaxaysa €45m – €48m iyo laba ciyaar oo united ah ku doonaysa Vidal./Football-italia Kooxaha Arsenal iyo Juventus ayaa ku dagaalamaya saxiixa difaaca kooxda Olympiakos ee Kostas Manola . warar shalay soo baxayay ayaa sheegayay in Kooxda Arsenal ay dalab rasmi ah ka gudbisay daafaca 23 jirkan kooxda Olympiakos iyo qaranka Greece ee Kostas Manola. Warar danbe ayaa sheegay in kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus ay tartan Arsenal kula galidoonto Kostas./Goal Arsene Wenger ayaa u jeedsaday dhinacaa iyo Newcalstle isagoo ka doonaya Tiote. Wenger oo xagaaga oo dhan daba socday Sami Khedira iyo Carvalho ayaa hadda la sheegayaa inuu Tiote ku doonayo £8 million/Dialy Mirror Kooxda Tottenham ayaa la sheegay inay €12m miiska u saartay kooxda Inter Milan iaydoo ka doonaysa Fredy Guarin kaas oo ay doonayso inay safkeeda ku soo xoojiso xagaagan. Xidigan ree Colombia ayaa hore loola xidhidhinayay kooxaha Man united iyo Liverpool./ Tuttosport Kooxda Bayern Munich ayaa la sheegay inay si dhaw ula socoto xaalda da’yarka kooxda Barcelona ee El Haddadi. Pep Guardiola ayaa 18 jirkan u arka inuu yahay ciyaartoy wax wayn ku soo kordhin kara kooxdiisa./Marca Southampton ayaa bartilmaameed ka dhigatay weerar yahanka kooxda Man united ee Javier Hernandez.balse waxaa la sheegay in Hernandez uu diiday inuu kooxdan ku biiro. Southamton ayaa sidoo kale €15 million ku doonaysa Shane Long/Daily Mirror Tababaraha kooxda Man cityr Manuel Pellegrini ayaa sheegay inuu dhamaystiray ciyaartoydii uu xagaagan u baahnaa isago shegya in £31.8 million ee uu ku soo iibsada difaaca Eliaquim Mangala uu noqon doono kii ugu danbeeyay ee uu xagaagan la soo wareego. Pellegrini ayaa yidhi: “hadda waan ku farax sanahay kooxda aan haysto, sanadkan aad ayaanu uga xooganahay xili ciyaareedkii hore

WAJAALENEWS SPORTS

Diyaariye Maxamed Cali Mataan

COMMENTS
LINKS