War La Yaable:Haweenay soomaaliyeed oo sheegtay inay isku sharaxayso Suldaanka Dumarka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War La Yaable:Haweenay soomaaliyeed oo sheegtay inay isku sharaxayso Suldaanka Dumarka
August 6, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (W.N):- Aduunyada Nin nooloow Maxaa Aragti kuu Laaban, somalidu waxay Tidhaa Cimrigaaga oo Dheeraadaa Geel Dhalayna Wuu ku Tusaa Bal ila Fiiriya Haweenay Somaliyeed oo isku Magacawday Suldaanka Haweenka Somaliland.

 sul1

Waa markii ugu horeysay ee la arko gabadh ah suldaan iyadoo aynu wada og nahay in ay hore uun u ahaan jireen aragu ayaa waxaa dhacday in ay gabadhi sheegato in ay tahay suldaanka dumarka SOMALILAND iyadoo sheegtay in ay aragta in ay inta badan suldaanadu ay yihiin rag isla markaana ay banaantahay kaalintii dumarku.

Suldaamadan cusub oo magaceeda la yidhaa Naciima Cabdi Galiixe oo degan Caasimada hargeysa ayaa tidhi” suldaanka beesha reer hebal, suldaanka dhalinyarad iyo suldaamo ciidaa ka badan oo qurbaha iska magacaaba markan arkay ayaan aniguna go’aansaday markan la tashaday dumar faro badan in aan noqon karo suldaanka dumarka ee Somaliland iyadoo ay tahay jago bananayd in mudo ah oo loo baahnaa cid buuxisa kaalintaa.”
sul2

Suldaamadu waxa ay balan qaaday in ay xilkaa cusub ee ay qaaday ay ka soo bixidoonta una yeelan doonto kartideeda iyadoo u dhabar adaygi doonta wax kasta oo hawshaa kaga yimaada isla markaana waxa ay balan qaaday in ay hawshaa ay u qaaday xaawalayda ay ka soo bixi doonto una qaban doonto wax saarkana la qaban doono dhawaan.badan iyadoo caleemo Fikirkaaga ka Dhiibo Dhacdooyinka ugubka ku Ah Dhaqanka somalida ee Maalin walba mid noocan oo kale ahi Dhagaha Dadka ku soo dhacayso.

COMMENTS
LINKS