“Waar Dad Soomaliya Ayaanu Nahay, Dad Muslim Ah Ayaanu Nahay, Ibnu Aadan Ayaanu Nahay”………..Cali Khaliif Galaydh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waar Dad Soomaliya Ayaanu Nahay, Dad Muslim Ah Ayaanu Nahay, Ibnu Aadan Ayaanu Nahay”………..Cali Khaliif Galaydh
August 29, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaale)Cali khaliif galaydh oo ah hogaamiyaha khatumo dhawaan loodoortay ayaa markii u horaysay ka hadlay dagaal culus oo shalay ciidamada somaliland ku qaadeen tuulada saaxdheer oo ahayd goobtii cali khaliif lagu caleemo saarayay isagoo arimahaa ka ahdlayana wuxu yidhi;

Cali-Khaliif

 

 

“WAAR DAD SOOMALIYA AYAANU NAHAY, DAD MUSLIM AH Ayaanu nahay, Ibnu Aadan ayaanu nahay , xuquuq ayaanu leenahay , ay aduun wayne oo dhami isla qirayaan , ay u taagan tahay xukuumada ka dhisan maanta xamar , waxaa dadka lagu dilayaa , ee lagu xidhayaa waa ha shirina, ha tashanina maamul aad leedihiina ha samaysanina , waar cadaawadan qayaxan, nacaybkan aan xadkaba lahayn ee umada lagu hayo anagu uma aragno dadka reer somaliland in uu ka socdo, waxaanu u aragnaa maamulka somaliland in uu hawshaa isagu ku kaliyi yahay , Anigu nabad baanu rabnaa, nabad gudahayaga rabnaa, hadaanu khaatumo nahay , dib u heshiisin ana ka gudahayga ayaanu rabnaa, waxaanu rabnaa in aanu nabad kula noolaano maamulada dariska na ah ee somaliland iyo putland ” Qasab ma jiro oo ah kalmad carabiya ” cidnu khasbaysaana oo odhanaysa oo waan idin khasbayna oo waan idin xukumaynaa, diidnay ma ogalaanayno inta ay doonayso ha nagu qaadato”.

 

Weerarkan noocan ah ayaan ahayn ki ugu horeyay ee ay ciidamada somaliland ku qadaan goob ay ku tashanayaan kooxaha khaatumo oo iyagu ah somaliland diid

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku baaqday in ay somaliland kala baxdo ciidamadeeda.

WAJALENEWS.NET

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS