Waa Kuma Ninka ay Dawladu Yuhuudu ugu Doonista Badan Tahay dunida? Iyadoo sided jeer ku fashilantay dilkiisa……. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Ninka ay Dawladu Yuhuudu ugu Doonista Badan Tahay dunida? Iyadoo sided jeer ku fashilantay dilkiisa…….
August 20, 2014 - Written by Editor:

Raysal wasaaraha dawlada yuhuuda ayaa sheegay in imika ka hor ay saddex jeer ka sii daayeen jeelka iyagoo aan u arkayn in uu yahay nin aan khatar badan ku lahayn amaanka dawladooda ayaa waxa uu maanta noqday ninka ay ugu doonista badan yihiin.

Raysal wasaaraha yuhuuda ee Netanyahu oo u waramayey manta jariirada Washington  post ee ka soo baxda dalka maraykanka ayaa waraysi khaas ah oo uu siisay ayaa ku sheegay in uu yahay khatarta kaliya ee manta hor taagan dawladiisa isagoo sidoo kale sheegay in uu ka mid yahay mushkiladaha hor taagan manta in heshiis ay wada gaadhaan dawlada falastiin wuxuuna sheegay in ay ku fashilmeen dilkiisa tiraba  sided jeer  taasoo uu ku tilmaamay in aan dawladiisa lagu dheleecayn Karin in ay ku guul daraysteen dilitaanka ama qabashada ninkan waayo ayuu yidhi sadex jeer oo ninkan la soo qabtay ayaa la sii daayey wuxuuna sheegay in markii ugu horeysay ee ninkan la soo qabtay uu ahaa wasiirka arimaha gudaha waa Netanyahu-ye markaas oo mudaharaad lagu soo qabtay markii labaad ee la soo qabtayna waxaa lagu soo qabtay saddex arday oo yuhuuda dilkood cidii ka danbaysay iyadoo markii la soo qabtay dib loo sii daayey .

Hadana mar saddexaad ayey soo qabteen iyagoo ku soo qabtay hawl galkii ay ku qabsatay dawlada yuhuudu  daanta galbeed kuna godoomisay dhismihii uu deganaa madaxwaynihii falastiin ee geeryooday Yassir Arafad alle ha u naxariistee iyagoo sheegay in ayna markaa u arkayn in uu halis ku yahay amaanka dalkooda.

 

Ugu danbayntii xalay ayaa weerar qorshaysan oo ay ku qaadeen gurigiisa ayey ku dileen gabadhiisii oo umul ahayd  iyo wiil yarkeedii yaraa oo jiray hal habeen oo kaliya iyagoo ay ka badbaadeen shan  carruur ah oo isagu dhalay  iyagoo guriga ka maqnaa markii la beegsaday ee la qarxiyey guriga.

Ninkan oo magaciisa la yidhaa Mohamed Daa’if oo ah nin aan wax xil ah ka hayn Falastiin iyo xamaas balse ay yuhuudu rumaysan tahay in uu sabab u yahay guuldaradii ay kala kulmeen dagaalkii xaqdarada ahaa ee ay la galeen dawlada falastiin sidoo kale waxa ay sheegeen in uu yahay ninka sida dhabta ah u diiday heshiiskii ay wada gaadhi lahaayeen labada dawladood iyadoo ay falastiin diiday in ay wada galaan heshiis baxad joojin abid ah… taas oo ay falastiin diiday oo ay yidhaahdeen ma saxeexi karno arintaa waayo ilaa imika dhul aanu leenahay ayaa la naga haystaa oo naga maqan.

Qallinkii Mohamed Ali Mataan.

COMMENTS
LINKS