Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliya Oo Maxkamad Ku Taal Dalka Canada Dambiyo Ku Haysato | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Booliska Somaliya Oo Maxkamad Ku Taal Dalka Canada Dambiyo Ku Haysato
August 2, 2014 - Written by Editor:

WajaalenewsTaliyaha ciidanka booliska Soomaaliya, Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax oo uu dhawaan xilka u magacaabay ra’iisul wasaraha Soomaaliya ayaa la sheegay in dacwad dhanka dagaalka ah looga haysto dalka Kanada oo uu ku noolaa muddo dheer.

Dacwaddan ayaa lagu sheegay inuu geystay sannadihii sideeta meedyadii oo uu ka tirsanaa ciidanka booliiska Somaaliya. Iyadoo la sheegay inuu jir-dil u geystay dad xabsiyada ku jiray oo arday ahaa,isla markaasna ku sugnaa wadanka somaliland oo xiligaas la odhan jiray gobolada waqooyi gaaro caasimada hargaysa.

Jen. Maxamed ayaa la sheegay in markii ay dhacday dowladdii dhexe 1991-kii dhowr bilood kaddib uu galay dalka Mareykanka, halkaasoo uu Kanada uu uga gudbay.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda federaalka

Kanada oo lagu soo daabacay wargeyska Toronto Star ayaa lagu xaqiijiyay in taliyuhu inuu iska diiday gabi ahaan dacwooyinka lagu soo oogay, isagoo ka baqdin qabay in Muqdisho dib loogu celiyo

Sidoo kale, xubnihii xirnaa oo la jir-dilay ayaa maxkamadda u sheegay inuu u isticmaalay jir-dilkooda koronto, xilligaas oo su’aalo laga weydiiyay qaar ka mid ah dacwooyin loo haystay.

Mid ka mid ah markhaatiyaasha oo lagu magacaabo, Yuusuf Maxamed Ciise ayaa sheegay wargeyska Toronto Star in taliyaha booliiska uu ka mid ahaa ciidamada dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee (CID), balse uusan ahayn kuwa daroogada la dagalaama sida uu ku dooday – wuxuuna yimid Hargeysa sannadkii 1984-kii, isagoo ahaa hoggaamiyaha wafdi uu soo diray Jen. Barre si ay ula gorgortamaan maxaabiista oo arday ahaa.

“Markii uu ka waayay jawaab qancisa maxaabiista ayuu amar ku bixiyay in jir-dil adag u geysto. Waxaana waxyaabaha nalagu ciqaabay ka mid ahaa qalab koronto loo adeegsaday, iyadoo laoga dhajiyay garbaha, waxaana laga jabiyay ilkaha,” ayuu yiri Ciise. Isagoo intaas ku daray in dadka dhaawacyada loo geystay maalmo lagu daweynayay isbitaallo Hargeysa ku yaalla.

Balse, taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa iska diiday eedeynta, isagoo xusay in sannadkii 1984-kii uusan tegin Hargeysa, isagoo xusay in warbixinta Ciise aysan ahayn mid lagu qanci karo.

wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS