Tahriibayaal gaadhaya 200 qof oo ku qaraqmay xeebaha dalka Liibiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tahriibayaal gaadhaya 200 qof oo ku qaraqmay xeebaha dalka Liibiya
August 24, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Ugu yaraan tahriibayaal gaadhaya ilaa 200 oo qof, ayaa si weyn looga cabsi qabaa inay ku qaraqmeen badda, kadib markii doonn ay wateen ku dagtay meel hal mayl wax ka yar u jirta xeebta dalka Liibiya.

Askar daadguraynaysa tahriibayaal qaraqmay

Warbixino ay soo gudbiyeen ciidamadda ilaaladda xeebaha ee dalka Libiya, ayaa sheegay in doon yar oo ay iska buux dhaafiyeen rag, dumar iyo carruur ay ku degtay meel u dhaw xeebaha dalka Liibiya, iyaga oo u sii jeeday inay ka gudbaan badweynta si ay u gaadhaan Yurub.

Sidoo kale, afhayeenka xeebaha dalka Liibiya Cabdiladiif Maxmed Ibraahim, ayaa sheegay in doonta iyo tahriibayaasha qaraqmayba ay ka heleen meel masaafo woxoogaa ah u jira xeebaha dalka Liibiya, isla markaana Afhayeenka ayaa sheegay inay heleen jajabka doonta oo siday ilaa 200 oo qof.

Af-hayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray inay fursad u heleen inay badbaadiyaan 16 qof oo kaliya iyo inay heleen 15 qof oo mayd ah, balse afhayeenka ayaa tilmaamay inay wali sii aba-qaadi doonaan baadi-goobka 170 qof oo kale oo ku qarsoon badda dhexdeeda.

Af-hayeenka ilaaladda xeebaha dalka Liibiya, ayaa shaaca ka qaaday in dadka ay ilaa hadda heleen oo ah kuwo la badbaadiyey iyo kuwo dhintay ay ku jiraan Somali iyo Eritrean iyo qaar kale oo ka soo jeeda dalalka Afrika, waxana ku maydkooda la helay ku jiray ilmo yar oo kaliya jiray 18 bilood.

Tan iyo maalintii Jimcahan oo ku beegnayd wakhtigii doontan ay degtay, ayaa la sheegay 3500 oo tahriibe ay badda mareen, iyadoo kaliya la helay 19 qof oo mayd ah, taasoo tahriibayaashu ay wakhtigan si weyn uga faa’idaysan lahaayeen xilliga xaggaaga oo mawjadda baddu deggan tahay.

Tan iyo bishii January ee sannadkii hore, ayaa xeebaha dalka Talyaaniga waxa gaadhay tahriibayaal tiradoodu gaadhayso ilaa 100,000 oo qof, taasoo kor u dhaaftay diiwaanka tirada tahriibayaasha ee Talyaaniga gaadha si ay uga sii gudbaan dalalka kale ee Yurub.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha dalka Talyaaniga, ayaa Midowga Yurub ugu baaqay inay mas’uuliyad weyn iska saaraan sidii loo badbaadin lahaa dadka tahriibayaasha, iyadoo loo marayo in maalgelin lagu sameeyo xoojinta duduudah, isla markaana wuxuu Qaramada Midoobay u jeediyey inay farogelin ku sameeyaan dalka Libiya si loo maareeyo qulqulka dadka qoxootiga ah ee ka soo kolonyeysanaya dalka Liibiya.

 

COMMENTS
LINKS