Somaliland Waa Tiirka Nabada Afrikada Bari (Somaliland Is A Pillar Of Peace In East Africa). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Waa Tiirka Nabada Afrikada Bari (Somaliland Is A Pillar Of Peace In East Africa).
August 29, 2014 - Written by Wariye:

Somaliland waxay iyada oo aan caalamka aqoosi iyo taageero ka helin ay ka hortagtey in aanu ururka alshabaab ku kobcin Somaliland

waxaa aad moodaa in beesha caalamka (international communities) ay ka gaabineyso aqoonsiga Somaliland madax banaani  ay hesho sababo kala duwan awgeed kuwaas oo ay isku tuseyn qaarkood iney dantoodu sidaa ku jirto. Waxaan odhan karaa arintaasi waa mid khalad ah oo aan xitaa dalalka arintaasi aaminsan ay muhiimtahay inay aqoonsadaan xaqiiqada dhabta ah oo ah inay Somaliland ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee degenaashaha geeska afrika iyo dalalkoodaba. Tani ma aha uun hadal aan iska qorey ee waa xaqiiqo dhab ah oo cid walba u muuqata xitaa dadka caadiga ahi ee cilmiga diplomacy aan wax badan ka fahan saneyn ay ka marag ka cayaan arintan.Maxaa sidaas u leeyahay bal dib u milicso taariikhda intii ay Somaliland jirtey:

a) Somaliland waxay iyada oo aan caalamka aqoosi iyo taageero ka helin ay ka hortagtey in aanu ururka alshabaab ku kobcin Somaliland ugana hawlgelin si firfircoon. Waaney ku guuleysatey

b)      Somaliland waxay isku taagtey in dadka ku kacsan dawladaha deriska (Ethoipia iyo DJabouti) aaney dalkeeda waxdhaqdhaqaa ah kasameyn ama hoy u noqon meel laga duulo ama amaankooda lagu burburiyo.Waan ku guuleysatey.

c)       Somaliland waxay meel dhexe iskataagtey tartarka loogu jiro awoodaha talada ee somaliya, taas  oo aaney qabiilada ku tartamaya cidna taageero iyo saaxiibtimo u muujin ,wax faragelinana ku sameyn arimaha gudaha somaliya ee murugsan.

d)      Somaliland waxay kor uqaadey maamul wanaaga iyo dimuqraadiyada oo waxaa ka dhacay doorashooyin xor ah oo kala duwan.

 

e)      Somaliland waxay kor u qaadey amaanka xeebaheeda waxay ka hortagey budhcad badeedka(Pirates) oo ay ka dhigtey xeebaheeda meel amaana oo ka caagan in dhibaatooyin loogu geysto maraakiibta caalamka ee iskga dhexgoosha.

Hadaba dawlad aan aqoonsi caalamiya haysan, mudo dheer la bururiyey dhamaan kaabayaal sheedii dhaqaale madaqada ayku taal la ogyahay nabadgelyadu sidey faraha ugu jirin, caalamku hagradey in uu si buuxda wax ulaqabto una taageero qadiya Somaliland, hadana lagu hayo hagardaamooyin waa weyn oo kala duwan sida:

a)      Kala qaybin dhinaca siyaasada ah oo laga soo abaabulo Somaliliya,Kenya,iyo Ethiopia ba kuwaas oo wax loogu dhimayo nabada iyo degenaashaha Somaliland,(sida dawlad gobeeldoyo siyaasi xil raadiska ahi madaxa ku sito)

b)      Siyaasiinta qalalasaha iyo amaan darada ka wada somaliland oo markey qasaan nabada Somaliland magansada dalalka deriska oo lagu soo dhaweeyo.

c)       Dhirigen iyo taageero ay qaswadayaashu ka helaan bulshada caalamka qaarkood oo ay ku jiro  UN ku .

d)      Ka aamusnaanta bulshada caalamka ee siyaasiyiinta ku qafiifay siyaasada soomaliya ,oo dhiirigelisay siyaasiyiintaas in ay qasaan nabada hadana aan caalamku waxba ka qaban dambiilayaasha.

Hadaba waxaan ila tahay bulshada caalamku iney la gudboontahay iney dib u eegid ku sameeyaan mooqifkooda Somaliland. Waa hadeyn doonayaan in nabada geeska afrika guul laga gaadho lana shaqeeyaan shacabka iyo dawlada curdinka ah ee Somaliland oo muteysatey abaalmarinta caalamiga ah ee (Peace Noble Prize) balse lagala eexday.

 

 Mahadsanidin

M J Farah

COMMENTS
LINKS