Somaliland “Ma Jirin wax la Xidhiidha Siyaasada Somalia oo Somaliland kala Xaajootay Nicholas Kay”Warsaxafadeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland “Ma Jirin wax la Xidhiidha Siyaasada Somalia oo Somaliland kala Xaajootay Nicholas Kay”Warsaxafadeed
August 24, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in aanay Nicholas Kay, kala hadlin arrimo la xidhiidha nidaamka Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan wax ku taxaluqa arrimaha Soomaaliya oo ah mid aan Somaliland Waxba ka khusaynin.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaaradaasi Md Siciid Cali Muuse .
War-saxaafadeedkaasi oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada wajaalenews waxa uu u dhignaa sidan:- “Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa, Nicholas Kay,ayaa booqasho lagu martiqaaday ku yimi Somaliland todobaadkii la soo dhaafay, casuumadaas oo uu u fidiyey Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis. Sababta martiqaadka ayaa ku salaysanyd in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay Jamciyada Quruumaha ka dhexysa(UN).
Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumaha ka dhexaysa kala hadashay arrimaha horumarinta, bani’aadamnimada iyo qoddobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasada Somalia oo Somaliland kala xaajootay Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Somalia,Taas oo aan ahayn arrinta u taala Jamhuuriyada Somaliland. Waxay kale oo Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Somaliland cadaynaysaa , in aan Nicholas Kay laga hadlin, haba yaraatee, in ha’yadiisu xafiis ka furanayso Somaliland.
Labada geesoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto socdaalo kale oo ay Nicholas Kay iyo asxaabtiisa UN ku yimaadaan Somaliland. Intii uu Hargeysa joogay, Kay, wuxuu la kulmay Wasiirro xukuumada ka tirsan, wakiilada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda Gobolada Barri iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan.
Nicholas Kay, wuxuu xukuumadda Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu uu si buuxda ugala shaqaynaayo Somaliland xaga nabada iyo horumarinta, iyadoo diirada la saarayo qoddobada horumarinta iyo ammaanka. Nicholas Kay iyo weftigiisii waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha ay Somaliland wax-qabadka uga baahan tahay iyo in la cadeeyo, lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taas oo ay ka mid tahay nabada iyo amaanka.”

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/Office

C/raxman

COMMENTS
LINKS