Siyaasi Axmed Cabdi XAABSADE Oo Garoowe U Goostay iyo saamaynta uu ku yeelan doono gobolka sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Axmed Cabdi XAABSADE Oo Garoowe U Goostay iyo saamaynta uu ku yeelan doono gobolka sool
August 9, 2014 - Written by Editor:

Axmed cabdi xaabsade oo ahaa siyaasi rugcadaaya saamayna kule gobolada sool iyo sanaag mudona kamid ahaa xukuumada somaliland halkaasi oo guulo ka soo hoyyay guud ahaan gobolka sool

siyaasigan ayaa mudo hore somaliland ka goostay kana mid noqday maamulka puthland mudo kadib ayuu dhinaca somaliland usoo noqday

XAABSADE.

xiligan ayaa waxay wararku shegayaan in uu ka dagay garoowe hadaba madaxwayne siilanyo ayaa ah ninka dayacay muhiimadii u somaliland u lahaa xaabsade isagoo siin waayay wax qiimayna kana door biday niman aan wax saamayna kulahayd sool taasina waxay fursad siinaysaa marlabaad maamulka garoowe,

Hargeysa(Wajaalenews)Warar Xog ogaal Ah ayaa tibaaxaya  In AXMED CABDI Xaabsade la taliyihii Madaxweynaha Somaliland uu firxad ku Galay Magaaladda GAROWE.

Xaabsade ayaa ka Kicitimay Jigjiga oo uu mudooyinkii udambeeyayba Ku Sugnaa waxana uu Xalay ku hoyday magaaladda Garoowe sida Xoguhu tibaaxayaan Xabsade mudadii uu ku sugnaa Jigjiga Xarunta Ismaamulka Dawlad deegaanka Somalida waxa uu xidhiidh la sameeyay Maamulka Puntland si Hadii ay is afgarad ka gaadhaan damaciisa ah In Xil loo magacaabo uu halkaasi tago.

Waa markii labaad ee Axmed Cabdi Xaabsade uu ka tago Somaliland, isagoo sannadkii 1997 ka tagay Somaliland ka dib markii loo dooran waayay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu hayay sanadihii 1993-kii illaa 1996-kii.

Axmed Cabdi Xaabsade mudadii uu dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay uu xilalka ka hayay Somaliland waxa uu eedaymo iyo hanjabaado kala duwan u jeedin jiray maamul goboleedka Puntland oo uu xiligaasi majaraha u hayay madaxweyne C/Raxmaan Faroolle.

Puntland xilalka dawladnimo ee uu markaas ka tirsan yahay.

Dhowaan Ayay ahayd markii xaabsade uu warbaahinta ka sheegay in uu quus ka taagan yahay Siyaasadda Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

KADHIIBO FIKIRKAAGA

COMMENTS
LINKS