|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirka Mareykanka iyo Hoggaamiyeyaasha Afrika oo galay Maalintii labaad
August 5, 2014 - Written by Editor:Washigton(Wajaalenews) — Shirka hoggaamiyeyaasha waddamada Afrika iyo dowladda Mareykanka ee ka socda Washington ayaa maalintiisii labaad galay. Kulankan oo ah kii ugu horreeyay oo looga hadlo horumarinta Afrika iyo iskaashiga ay la leeyihiin Maraykanka ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 50-hoggaamiye oo Afrikaan ah, iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka yihiin maal-qabeenno Mareykan ah. Shirka oo uu marti-gelinayo Barack Obama ayaa loogu talo-galay in lagu kordhiyo xidhiidhka u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka, waxaana shirka diiradda lagu saarayaa ganacsiga, dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta dimuqraadiyadda Afrika. Madaxweynaha Dawlada taagta daran ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galaya shirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka mid tahay dalal dhanka dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya, iyadaoo ujeeddada shirku uu yahay horumarinta iyo taageeridda jiilka dambe. “Annaga Soomaali haddaan nahay shirkan muhiimad gaar ah ayuu noo leeyahay, waayo waxyabaaha looga hadlayo waxaa ka mid ah dhiirri-gelinta jiilka dambe,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo hadda ku sugan Washington. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu kulamo gooni-gooni ah la qaadan doono ka qayb-galeyaasha shirkan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, si ay u ogaadaan dariiqyada kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga Soomaaliya iyo in la helo fursado gacan ka geysan kara nabadda iyo horumarka dalka. Xukuumadda Washington ayaa ugu yaboohday Afrika lacag dhan hal bilyan oo doollarka Mareykanka si wax looga qabto dhaqaalaha, adkeynta ammaanka iyo arrimo kale. Madaxweynayaasha dalalka Suudaan, Zimbabwe, Eritrea iyo Afrikada Dhexe ayaa ka mid ah madaxda shirkaan aan lagu casuumin, iyadoo Zimbabwe ay ku sheegtay shirka mid aan macno lahayn.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|