Sheeko Kale: Jawharad Doon Cabdisalaam Yaasiin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheeko Kale: Jawharad Doon Cabdisalaam Yaasiin
August 6, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS
Inta uu is taagay ayuu biyihii gacmaha la galay si uu jawharadda ula soo baxo. Hasa yeeshee, dhalaalki kolba wuu ka sii durkaa. Markii dambena waa libdhay; oo waaba waayay.

Nin boqor ah ayaa inantiisii jawharad qaali ah u iibiyay. Jawharaddii ayaa la xaday. Boqorki ogaysiis ayuu ku faafiyay boqortooyadii. Wuxu ogaysiis kii ku sheegay, ‘Ninka jawharadii amiiradda soo hela, amiiradda ayaan u guurinayaa.’

Iyada oo weli la doonayo jawharadii, ayaa waxa dhacday in maalin nin ka mid ah shaqaalaha boqor ka soo ag mar biyomareen. Biyihii ayuu ku arkay wax dhalaalaya. Wixii dhalaalayay waxay ula ekaatay jawharadii amiiradda

Inta uu is taagay ayuu biyihii gacmaha la galay si uu jawharadda ula soo baxo. Hasa yeeshee, dhalaalki kolba wuu ka sii durkaa. Markii dambena waa libdhay; oo waaba waayay.

Isaga oo ka xun fursadda seegtay, ayuu halkii ka dhaqaaqay. Intaanu wax badan socon, ayuu mar kale arkay dhalaalkii. Isaga oo aan is ogayn ayuu biyihii ku booday oo badhtanka u galay si u dhalaalka u halqafo. Hasa yeeshee, mar kale ayuu ku hongoobay in uu dhalaalkii qabsado.

Isaga oo yaabsan ayuu hoos eegay, oo midig eegay, oo bidix eegay, waa arki waayay jawhardii!

Daal iyo niyad jab isaga oo ay u weheliyaan qoyaan iyo dhaxani, ayuu mar kale halkii ka dhaqaaqay. In yar haddii uu socday, ayuu la kulmay in waayeel ah. Ninkii baa salaamay oo weydiiyay wax helay ee sidan u galay. Niyad jab iyo khajilaad ku habsaday awgeed, Jawharad-Doon wuu aamusay oo uma jawaabin waayeelkii. In yar ka dib, ayuu hadana waayeelki Jawhard-Doon weydiiyay waxa u geeyay qoyaanka iyo daalka ka muuqda.

Cod ay khajilaadi ku jirto ayuu ugu jawaabay oo ku yidhi, “Jawhardii amiiradda ayaan u galay biyaha, hasa yeeshee, marka aan is idhaa qaboba, wey iga muruxsataa. Dhawr jeer ayaan isku deyay in aan jawhardda qabto, ii may se suurogelin oo faro madhan ayaan ka taaganahay.”

Waayeelki inta uu yar aamusay, ayuu ku yidhi Jawhard-Doon, “Aad baan ugu xumaha inay waxaas oo dhib ahi ku gaadhay. La yaabna ma lihid in aad hongawday. Intaas oo dhan waxad baadhaysay meel aan jawhardi ool. Haddii aad kor u eegi lahayd geedkan, waad heli lahayd jawharadda aad u qoday ee aad ku daashay.”

Markii uu odaygii waayeelka ahaa hadalkii dhameeyay, ayaa Jawharad-Doon geedkii kor u eegay. Waxa markii ba indhahiisu ku dhaceen jawharaddii oo dhalaalaysa oo laamaha sare ee geedka sudhan!!!

 

Abdisalam Mohamed <prof.abdisalaam@gmail.com

COMMENTS
LINKS