|
|||||
WAJAALE NEWS
Shaqaaqo ka taagan Garoowe iyo kooxo hubeysan oo TVga dowladda la wareegey
August 5, 2014 - Written by Editor:Garoowe(Wajaalenews);Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaddib markii ciidamo beeleed si xooggan u hubeysni gelinkii hore ee maanta ay la wareegeen xarunta TVga dowladda, jidadka qaarna ay xireen. Shaqaaqadan oo ilaa iyo hadda aanay jirin mas’uuliyiin dowladda Puntland ka tirsan oo ka hadlay, waxaa loo badinayaa inay salka ku hayso xil-ka-qaadis Madaxweyne C/weli Gaas 24tii saac ee ugu dambeeyey uu ku sameeyey dhowr mas’uul oo madaxweynihii isaga ka horreeyey ee C/raxmaan Faroole uu soo magacaabay. Mas’uuliyiinta xilka-ka-qaadista lagu sameeyey waxaa kamid ah: Agaasimihii Guud ee Telefishinka iyo Idaacadda Puntland Axmed Kismaayo, Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Cumar Cabdulaahi Faraweyne iyo Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Booliska Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse Gacamey. Ciidamada qabsaday xarunta warbaahinta dowladda oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo weliba garneylada garabka ma ahayn kuwa kuwo la lebisan wax tuute ah [lebiska ciidamada]. Mid kamid ah shaqaalaha TVga Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, oo xilligaas ku sugnaa goobta, ayaa Hiiraan Online u sheegay in rag lebiska shacabka xiran oo aad u hubeysni ay gudaha usoo galeen xarunta, kaddibna dhammaan shaqaalaha TVga oo uu kamid ahaa Agaasimaha Guud Axmed Kismaayo ay ku amreen in ay dibadda u baxaan, si dhaqso ahna goobta u faarujiyaan. Ila wareedyo madax bannaan ayaa u sheegay in ciidamada TVga qabsaday ay u badan yihiin askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada, ayna ka amar qaataan taliyihii hore ee madaxtooayda ee xalay uu Madaxweyne Gaas xilka ka xayuubiyeye Cumar C/laahi Faraweyne. Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in dableyda xarunta warbaahinta dowladda la wareegtey aanay cidna ka amar qaadan, balse ay yihiin dhallinyaro ay isku hayb yihiin mas’uuliyiinta saddexda ah ee xilalka laga qaaday, kuwaasoo ka carooday tallaabada uu Madaxweyne Gaas qaaday. Saddexda mas’uul ee xilalka laga xayuubiyey ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxaa looga yeeray madaxtooyada, halkaasoo Madaxweyne Gaas, Ku-xigeenkiisa Camey iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamadu ay kula kulmeen. Su’aalo dhowr ah ayaa la weydiiyey, waxaana arrimaha wax laga weydiiyey uga muhiimsanaa shaqaaqada maanta Garoowe ka dhacday iyo waxa ay ka ogyihiin. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyadu, saddexda mas’uul ayaa iska fogeeyey mas’uuliyadda arrintaas, iyagoo sheegay in haba yaraatee aanay waxba ka ogeyn. Goobta waxaa hadda ku hareeraysan ciidamada ammaanka ee Puntland, waxaana socota waan-waan ay wadaan mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo u badan xildhibaanno iyo wasiirro ay isku hayb yihiin ciidamada maanta shaqaaqada sameeyey. Xaaladda ayaa xilligan ah mid deggen inkasta oo laga cabsi qabo in ay isku dhacaan ciidamada dowladda ee xarunta ku gadaaman iyo dableyda warbaahinta dowladda qabsatay oo iyagu weli gudaha xaruntaas ku sugan Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|